Hantida qaranka waxa isku filnaysiin doona aniga iyo qoyskayga! (Ballan-qaadkii musharraxa)

Inline image 1

Mudnaanta koowaad waxa aan siin doonaa boobka, dhaca, tuugnimada, musuqmaasuqa iyo urursiga hantida qaranka, waxa aan dhisi doonaa dowlad saacadaha ugu badan ku bixisa xatooyada hantida qaranka insha allaah, waxaana iga go’an in aan maalmo kooban bilyaneer ku noqdo! Cid walba oo taajirnimadayda ka hor timaaddana waxa aan u taxaabi doonaa xabsiga aniga oo adeegsanaya awood dowladeed, waayo aniga ayaa dalka ugu sarreeya, Ilaahayna ma aqaanno! Insha allaah, ma dhaafi doono hal taako oo dhul dan guud ah oo waan baayici doonaa lacagteedu intay doontaba ha goysee, oo hadday lacag tahay maxaaban u dhaafi? Sidoo kalena, ma reebi doono hal shilin oo lacagta qaranka ah! Cashuurtiinna waxa aan ku cuni doonaa hortiinna, waxa aan ku laaluushi doonaa shakhsiyaad aan anigu dan gaar ah ka leeyahay, waxa aanan ugu takri-fali doonaa sida aan doono. Kii diida inuu cashuurta (baadda) bixiyana, xoog ayaan kaga qaadi doonaa idinka oo arkaya si inta kalena ugu cibro qaadato, kii aan heli karayninna khasab ayaanu kaga dhigaynaa, hadduu doono ha soo dawarsadee! Miisaaniyadda qaranku  haddii ay aniga iyo qoyskayga nagu filnaato waa alxamdulilaah, haddii ay nagu filnaan weydana waxa aan u soo gudbi doonaa hantida kale ee qaranka, waxa aanan ku dedaali doonaa in aan la arag hal shilin oo na soo dhaafay, Ilaahay ha igu caawiyee dedaalkaase!

Sidoo kale, waxa aan kobcin doonaa saboolnimada, waxa aan kordhin doonaa faqriga iyo macaluusha, waxa aanan dalka ka dhigi doonaa in yar oo dheregtay iyo in badan oo macaluulsan. Waxa aan yarayn doonaa heerka shaqo-abuurka, inta yar ee shaqooyinka ahna waxa aan ku maaweelin doonaa doqmaha aanu isku reerka nahay, aniga oo ku addoonsan doona halkaas, danta aan shaqada u siinayaa ma’aha qaraabannimo, balse kaliya waa si ay iyaguna ii difaacaan haddii ay bulshadu igu kacdo.

Mudnaanta labaad waxa aan siin doonaa magacaabista golaha wasiirrada oo aan ka soo xuli doono inta idiinku liidata sida jaahilka, khamriilaha, beenaalaha, khaayinka, nacaska, duuflaalka, damiir-laawaha, ma-xishoodaha, wax-iskuma-falaha iyo mid kasta oo dhaqankiisa laga subxaanalaysto. Waxa ay kor u qaadi doonaan heerka qabyaaladda, sicir-bararka, sinada, cudurrada, tuugada, beenta, khiyaamada,fusuqa iyo fasahaadka, illaa iyo aad aragtaan dad gaajo u dhintay, dhallinyar intii hore ka badan oo badaha isku gurtay, oday sinaystay iyo soddoh garcatay!

Mudnaanta saddexaad waxa aan siin doonaa khalkhalinta nabadda aniga oo qorshahaas u sii dhex mari doona kobcinta nacaybka iyo isku-dirka bulshada.  Waxa aan idiin kala qaybin doona qabaa’il yaryar, waxaanan iskugu kiin diri doonaa qabiil-qabiil iyo reer-reer, illaa iyo ugu dambaynta aad qoys-qoys u collowdaan. Waxa aan idiin abuuri doonnaa colaad idin goblomisa oo aad isku gowracdaan qarniyada soo socda haddii Eebbe idmo, waayo caqli ma lihidin aad ku heshiisaan ama aad aayihiinna kaga fikirtaan, aniguna idiin ma tudhayo. Oo maxaan idiinku tudhi saw dantaydu kuma jirto kala qaybsanaantiinna!

Mudnaanta afaraad waxa aan siin doonaa la dagaallanka waxbarashada iyo ehelkeegaba. Waxa aan allifi doonaa aqoon magac-u-yaal ah oo bilaa tayo ah, taasi oo aan wakhti badan kaga lumiyo da’ yarta soo koraysa! Waxbarashadaasi waa in ay noqotaa mid soo saarta dhallinyar aniga I taageersan fikir ahaan. Waxa aan ikhtiraaci doonaa aqoonyahan waraabe-u-taag ah, kaasi oo u fikiriya sida geel-jiraha (qabyaaladiiste ah), aqoontiisuna dhibaato mooyee aanay xal keenayn! Cid kasta oo isku dayda in ay soo faro-geliso waxbarashadaas ama aqoonyahankaas gacan-ku-rimiska ah, waxa aan u adeegsan doonaa awood dowladeed, hortiinna ayaanan ku dullayn doonaa nin kasta oo qiimo leh iyo aqoonyahanka runta ahba! Maankiinna iyo maskaxdiinnuba aniga ayey ii kiraysanaan doonaan inta aan idiin taliyo, waxa aanan idinku reebi doonaa dhibaato aad sannado badan la rafaaddaan.

Isku meel kuma noolaan doonno, waayo marka aad gaajada iyo macaluusha la il-daran tihiin ee ay abaaraha iyo oodo lul-lulku idinku habsadaan, anigu waxa aan cuni doonaa cuntooyinka ugu qaalisan, aniga oo weliba cuntadaas malaayiin doollar ku khasaarin doona, lacagtaas cuntada siistaa dhammaan inta abaaraysan abaarta waa ay ka saari lahayd. Haddii aad laba wakhti wax cuntaan anigu lix wakhti ayaan wax cuni doonaa, haddii aad hal wakhti wax cuntaanna anigu toban wakhti ayaan wax cuni doonaa! Marka aad daallantihiin, waxa aan kaxaysan doonaa baabuurta ugu qaalisan, marka ay diifta badani idinka muuqato ee aad arradan tihiinna waxa aan xidhan doonaa dharka ugu qaalisan. Dhammaantiin haddii aad maalin wada dhimataan dan idin kama lihi, waxaaban ugu jecelahay in ay idiinku hor dhintaan kuwii ii codeeyey, haddaad sakaraadaysanna koob biyo ah ha iga filanina. Rajada kaliya ee aad leedihiin waa in ay gaalo idinka naxdo (Qaramada midoobay) oo ay cunto gabowday oo kaydka ku raagtay idiin keento, hadday aniga iigu kiin soo dhiibto ka quusta, balse haddii ay iyagu idiin keenaan waxa idin soo gaadhi doonaa wax yar oo aan badnayn oo la kala shaxaaday, anigana dirqi la igu soo dhaafiyey!

Waxa aan khiyaami doonaa dalka, waxa aan heshiisyo qarsoodi ah la geli doonaa cadawgiinna. Cadawguu doonaba ha noqdee, maxaa iga galay haddii aan shilimaad ka helayo! Waxa aan bah-dili doonaa qaddiyadda ummadnimadiinna, illaa iyo aan idinka dhigo kuwa dunida ugu dullaysan.

Ugu dambayn, waxa aan idiin ballan-qaadayaa dib-u-dhac, baaba’, tuugnimo, lug-gooyo, rajo-la’aan, mustaqbal xumo, magac dawladeed oo ay shakhsiyaad ku adeegtaan, lexejeclo la’aan dalka iyo dadkaba ah iyo inta laga ducaysto in aan idinku dhaqi doono! Waxa iskugu keen dambaysa daqiiqadda aan ku guulaysto kursiga aanan geyin ee aad doqonniimadiinna igu siiseen, waxa aan isku hareerayn doonaa ciidan aanu isku jufo nahay, waxa aanan amar ku siin doonaa in ay cid walba oo ii baahata ay sida ugufoosha xun ula dhaqmaan, waayo ma jirto cid aan qiimaynayaa oo aniguba qiimo ma lihi!

Kadib markii uu musharruxu dhammaystay qudbaddiisii, kulankaasi sacab, durbaan iyo mushxarad ayuu ku soo xidhmay! Waxaana sacabka iyo mushxaraddaba ku ladhay bulshadii uu khudbaddan la hor taagnaa.

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso