Doorashada Maddaxtinimada 2017: Guushu Waa xagee?

Doorashada Maddaxtinimada 2017: Guushu Waa xagee?

Silsilada Mutadawiciinta ayaa Daraasad mug wayn leh ku samysay codka xisbiga kulmiye uu ka heli doono lixda gobal ee doorashadu ka dhici doonto.

 

Daraasada ayaa loo maray dariiq dad ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada lagu waydiinayey cida ay u codayn doonaan saddexda xisbi qaran. Waxay darasadan ka qaybqaatay  dad dhan  453 qof oo lagu saleeyay tirada dadka kaadhka codbixinta qaatay ee   degmooyinka gobalada dalka ( the method was qualitative study) oo munadu tahay hadba sida ugu fudud ee dadka loola kulmi karaayay (convenience  sampling)

 

Wadarta guud ee cod bixiyayaasha dalka oo dhan waa 704, 089.

 

Doorashadan ayaa  dadka degmooyinka dalku ay 70% ilaa 85 waxay codkooda u bixinayaan hanan deegamaysan. Iyadooy, 15% ilaa 30%  codkooda ku bixin doonan siday ay musharaxinta ugu qanceen siyaasadahooda, aqoontooda, waayo aragnimadooda iyo kartidooda.

 

Darasaadu waxay xusaysaa in Kulmiye doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay u ku xoog badnaa, gobalada Maroodijeex, Togdheer, Sanaag iyo Sool. Maanta xisbigii UDUB ee Gobalada Awdal iyo Saaxil ku xoog badnaa waa ka baxay saaxada siyaasada. Waxaayna daraasadu si gaara u daristay cida labadan gobal ay cododkooda siin doonaan.hadaba kulmiye ma kasban doonaa   kalsoonida labadan gobal? Afartii gobal ee hore se tageeradooda ma haysan doona?

 

Bal si aynu suaalaha uga jawaabno aynu eegno, tusaale ahaan gobalka Maroodijeex oo Kulmiye helay 44.7% doorashadii maddaxtinimada ee 2010 – Sawir bay inaga siin doontaa tani gobalada kale ee afarta ah.

 

Gobalka Maroodijeex waxa uu ka kooban yahay 13 degmo doorasho.

 

  1. Gobalka Maroodijeex

 

Gobalka Maroodijeex  waxaa kaadhka  codbixinta qaatay 249,229 . Waxana aan qaadan kaadhka 25%. Waxay ay daraasadu oda ka rogaysaa 12.5% tiro leeg dadkii aan qaadan anay codayn dooonin. Iyadoo taa laga duulayo Maroodijeex  waxaan ka codayn doonin 12.5%%.

  • 249, 229 (87.5%) = 218,075

 

 

 

 

Degmooyinka Maroodijeex** Tirad

Codadka

 (%) Degaamada Kulmiye Tirada codadka 25% ***

-25% +25%

D/Gacan libaax 28,610 55% 15,735(-25%) 11,802
D/Ibrahin kodbuur 29,052 100% 29,052 (-25%) 21,789
D/26 June 30,837 100% 30,837 (-25%) 23,128
D/Axmed dhagax 22,760 36% 8,221** 6165+5690

=11,855

D/Maxamuud Haybe 29,747 0% 29,747 (+33%) 9,817
D/Farawayne 13,554 100% 13,554 (-25%) 10,165
D/Daarasalaam 4,682 100% 4,682 (-25%) 3,512
D/Laasgeel 3,132 100% 3,132 (-25%) 2,349
D/Cadaadley 3,697 0% 0 (+9%)* 333
D/Sabowanaag 13,258 0% 0 (+9%)* 1,193
D/Balligubadle 11,623 43% 4,998** 2,905+3749=

= 6654

D/Sallaxlay 12,135 0% 0 (+33%)  4005
D/Gabilay 46,143 100% 46,143 (-25%) 34607
Wadarta Guud 249,229 (100%)     141,209
Wadarta Codayn doonta (turnout = 87.5%) 218,075     123,561 (56,66%)

 

*** Maroodijeex 25% degaanka Kulmiye waxay u codayn doonan axsaabta kale

**Degmooyink Axmed Dhagax iyo Balaygubdleh ayaa isagu jira 64% iyo 36% degamada Kulmiye sida loo degan yahay (xisaabtana sidaa ayaa lagaga turjumay,  -25% iyo plus 25%).

*Degamada cadaadalay,  iyo sabowanaag ayaa 91% codkooda siin doona xisbiga Waddani

 

  1. Gobalka Awdal

 

Gobalka Awdal waxaa kaadhka  codbixinta qaatay 102, 571 . Waxa aan qaadan kaadhka 43%. Waxa ay daraasadu odorasaysaa 50% tiro leeg dadkii aan qaadan anay codayn dooonin. Iyadoo taa laga duulayo Awadal Waxa aan ka codayn doonin 21.5%.

  • 102,571 (78.5%) = 80,518
Gobalka Awdal Codadka uu ka heli doono Xisbiga Kulmiye
Xisbiya Tirada (%)
Kulmiye 36,233 45
Asaxaabta Mucaaridka 44,285 55
Wadarta Guud 80,518 100

 

  1. Gobalka Saaxil

Gobalka Saaxil kaadka codbixinta waxaa qaatay 60, 817. Waxana  kaadhka qaadan 30%.  Waxay ay daraasadu odorasaysaa 50% tiro leeg dadkii aan qaadan anay codayn dooonin. Iyadoo taa laga duulayo Saaxil  Waxaa ka codayn doona  60,871 (85%) = 51740.

Gobalka Saaxil Codadka uu ka heli doono Xisbiga Kulmiye
Xisbiyada Qaranka Tirada (%)
Kulmiye 38,805 75
Asaxaabta Mucaaridka 12,935 25
Tirada Guud 51740 100

 

  1. Gobalka Togdheer

Gobalka Togdheer kaadka codbixinta waxaa qaatay 147,440. Waxana kaadhka qaadan 21%.  Waxay ay daraasadu odorasaysaa 50% tiro leeg dadkii aan qaadan anay codayn dooonin. Iyadoo taa laga duulayo Togdheer  Waxaa ka codayn doona  147,440 (89.5%) = 131,959.

Gobalka Togdheer Codadka uu ka heli doono Xisbiga Kulmiye
Xisbiyada Qaranka Tirada (%)
Kulmiye 75,217 57
Asxaabta Qaranka 56,742 43
Tirada guud 131,959 100

 

 

  1. Sanaag

Gobalka Sanaag  kaadka codbixinta waxaa qaatay 80,333. Waxanan kaadhka qaadan 6%.  Waxay ay daraasadu odorasayaa 3% tiro leeg dadkii aan qaadan anay codayn dooonin. Iyadoo taa laga duulayo Sanaag  waxaa ka codayn doona  80,333 (97%) = 77,923.

 

Gobalka  Sanaag Codadka uu ka heli doono Xisbiga Kulmiye
Xisbiyada Qaranka Tirada (%)
Kulmiye 30,390 39
Asxaabta Mucaaridka 47,533 61
Tirada Guud 77,923 100

 

  1. Sool

Gobalka Sool  kaadka codbixinta waxaa qaatay 63,698. Waxana kaadhka qaadan 12%.  Waxay ay daraasadu odorasayaa 6% tiro leeg dadkii aan qaadan anay codayn dooonin. Iyadoo taa laga duulayo Sool  Waxaa ka codayn doona  63,698 (94%) = 59,876

 

Gobalka  Sanaag Codadka uu ka heli doono Xisbiga Kulmiye
Xisbiyada Qaranka Tirada (%)
Kulmiye 41,314 69
Asxaabta Mucaaridka 18,562 31
Tirada Guud 59,879 100

 

Daraasada ayaa sadaalinaysa in Kulmiye u ku Xoogbadnaan doono, gobalda Maroodijeex, Saaxil, Togdheer iyo Sool. Gobalada Awdal iyo Sanaag ayay darasadani sadaalinysaa in xibsiga Waddani kaga xoogbato.

 

Kulmiye ayay gushu ku raaci doontaa isga oo heli doona 345,520 cod una dhiganta (55.73%). Tirada Guud ee codayn doontana ay noqon doonto 620,091

 

FIIRO GAAR AH

Daraasadan ayaa laga yaaba inay yeelato 3% (margin of error) khalad ah maadama ay hawl wadeenadu ay ahaayeen xisbiga kulmiye. Iyadoo taa la tix galinayo waxa ay guushu ku raaci doontaa XISBIGA KULMIYE (52.73%)

 

Kulmiye oo Ku gulaysan doona 52.73%

Codadka Caqalabiyadu ay noqonayso 326,788

 

Gudoomiyaha Silsilada Mutadawiciinta

Axmed Cabdi Ciise

Advertisement

Ku Xayeysiiso