Yuhuuda La Deegaameeyey Oo xaday midhaha boqolaal geed saytuun ah bariga Nablus

Daraasiin ka mid ah dadka la deegaameeyey ee xag-jirayaasha Yuhuuda ah ayaa sii wada in ay xadaan Midhaha Saytuunka Beeraha Bariga magaalada Nablus ee Falastiin ayaamihii la soo dhaafay.

Sida laga soo xigtay wakaaladda Mac`a dadka la deegaameeyey waxay xadeen midhaha in ka badan 700 geed Saytuun ah oo ku yaal tuulooyinka Awarta, Deir al-Hatab ee bariga Nablus.

Ghassan Daghlas oo madax ka ah waqooyiga Daanta galbeedka ayaa u sheegay Maca in muwaadiniinta la yaabeen in ay soo galaan dadka lagu deegaameeyey Alon Moreh oo dhaw dhulalka tuulooyinka Azmut iyo Deir al-Hatab In dadkii la deegaameeyey ay xadeen midhaha saytuunkooda ayna jebiyeen laamaha ku dhowaad 300 geed.

Dadka degaanka ayaa sidoo kale sheegay in midhaha 420 geed Saytuun ah oo u dhow albaabka laga galo deegamaynta Iamar ee degaanka Khulat-Suudaan oo uu leeyahay qof deggan Awarta bariga Nablus ayuu intaa ku dareen.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso