Gorfeynta Dooddii Murrashaxiinta Madaxweynaha Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland

Doodii Guddoomiyeyaasha ahna Murrashaxiinta Xisbiyada Siyaasadda ugu tartamaya jagada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo ay guushoodu ku xidhan tahay helitaanka codka ugu badan ee dadweynaha si ay ugu gaadhaan hoggaaminta xukunka dowladda, taasoo ku timaada dhinaca habka kala xulashada garaadka dadweynaha.

Waxa loo qaabeeyey hab-doodeed, wada hadal  iyo su’aal toos ah lagu weydiinayo,  ay kaga jawaabayeen kulan dadweyne, waxa kale oo ay ku soo bandhigeen barnaamijkooda siyaasaddeed, mabaadiida iyo fikiradaha ay ku kala arragti duwanaayeen murrasharaxiinta saddexda xisbi qaran ugu tartamaya inay ku guuleystaan jagada madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa aynu halka ku falan qeyn doonaa innagoo dul joogsan doona su’aal kasta oo la weydiiyey iyo jawaabaha ay ka bixiyeen saddexda murrashax.

Su’aashii koowaad waxa nasiib u yeeshay oo la weydiiyey Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Xisbiga Mucaaridka ee Ururka Daryeelka iyo Caddaalada (UCID)  Mudane, Feysal Cali Waraabe.

Mudane, Gudoomiye ama Musharaxa laba minit oo aad ka dhaadhiciso reer Somaliland waxa ay kugu dooranayaan ?

Inta aynaan u gudda galin jawaabaha ay ka bixiyeen waxa aynu halkan ku iftiimin doonaa cabbirka hagaha ugu fiican ee lagu qiimeeyo wakhtigan kala xusho Hoggaamiyaha wanaagsan ee aynu dooneyno sifaha uu leeyahay, isla markaana, aynu ku qiimeyno jawaabaha ay ka bixiyeen su’aashii ugu horeysa ee la weydiiyey murrashaxiinta saddexda xisbi siyaasaddeed ee UCID, WADANI iyo KULMIYE, innagoo qaadanayna cabbir qiyaaseedkan sifaha aynu ku dooraneyno ee hoos ku qoran.

-Ma yahay mid ku hanweyn inuu dadkiisa ugaga tago dhaxal.

-Ma lagu sifeyn karaa inuu leeyahay arragti-fog, hiigsi iyo himmilo mustaqbal.

-Ma yahay mid aan eex lahayn, isla markaana loo arko inuu si siman dadkiisa u wada-daweyn karro.

-Ma yahay mid fahmo badan oo wax akhriya, waxna darsikarra, raadiyana waxa khaldan si uu u saxo.

-Ma yahay mid ku kalsoon wax kasta oo uu qabanayo, maskax ahaan, jidh ahaan iyo niyad ahaanba.

-Ma leeyahay dhiirigelin.

-Ma yahay mid sameyn kara dhawaaq amar leh oo go’aan qaadasho fiican xilliga ay ku haboon tahay.

-Ma sababeyn karaa tallaabo kasta oo uu qaadayo.

– Ma yahay mid wakhtiga ku haboon wax-ka-beddeli kara malihiisa, qorshihiisa iyo fikradaha kale ee lagu xaliyo dhibaatooyinka iyo inuu yahay mid daacad ah.

 

Waxa aynu sidaas ku qiimeyn doonaa jawaabaha murrashaxiinta saddexda xisbi siyaasadeed , waana sidan.

Jawaab:  Murrashaxa Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka (UCID), Muddane Feysal Cali Waraabe, oo su;aashaas ka jawaabaya waxa uu yidhi:- Horta annigu waxaan ahay oo aan jecelahay in la igu doorto, shaqsiyadayda, daacadnimadayda,  waxa aan leeyahay waayoaragnimo badan,  illaa 1992-kii waxaan maray oo aan socday hal-miyan oo mille Somaliland, waxaan aqaanaa dad badan oo bulshada caalamka ah, wadamo badana oo xidhiidho saaxiibtinimo la nahay iyo shirkado badan oo dalka maal-gashan kara.

Waxaan hubaa haddii uu Alle (SW) igu guuleeyo in dalkan isbedel weyn ka hirgalino, aqoonsigiisana dalkan aan si dhakhso ah u keeni doono, soomaaliya iyo xidhiidhada aduunka iyo saaxiibada aan leeyahay kuwaas oo aan jecelahay in wadankeena aqoonsadaan, waxaan qabaa annigu innaan ahay hayin gaamuray, tuulo kasta 80% dalka waan soo maray, meelkastana baahideeda waan aqaanaa, waxaan ahay qof bulshada ku dhex jira, oo oodneyn oo garanaaya qof kasta iyo bulsho kastaaba waxa ay u baahan yihiin, oo u diyaar garoobay, anniga imika igumay dhalan ee illaa 1992-kii aan ku tashaday innaan dalkan isbedel ku keeno, oo aan hoggaankiisa maalin maalmaha ka mid ah qabto, khudbadayda ugu horeysa ee aan jeedin lahaana waxaan qoray sannadkii 2000-kii, way taalaa, inshaa Allaah, doorkan waxa ay noqon doontaa mid soo dhamaatay.

Markaa waxaan qabaa in aan labadan nin ee aanu saaxiibka nahay ka waayoarragsanahay, ee aan wadankan wax ka geysatay, ee aan faa’iido u keenay, way xisaabsan tahay, waxaana ugu danbeysay, khaadumo oo illaa iyo sannadkii ugu danbeeyey aan ka shaqeynayey .

Jawaab:- Gudoomiyaha ahna  Murrashaxa Xisbiga tallada haya ee Nabada, Midnimadda iyo Horumarka (KULMIYE) , Muddane, Muuse Biixi Cabdi, Isla su’aasha  waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi: –  Dadka qaar waxa ay u doontaan doorashada inay wax noqdaan, magac yeeshaan ama manfac ka helaan, qaarna waxa ay doorashada u galaan inay dalkooda iyo dadkooda aqoonta ay leeyihiin ku hoggaamiyaan oo dalka wax ka badelaan, oo horumar iyo wanaag u horseedaan.

Anniguna qaybta danbe ayaan ahay waxaana sheegaya taariikh nololeedkayga iyo dalkeyga wixii aan  u soo maray, anniga hiigsiga himiladda waxa ay tahay sida ku cad barnaamij siyaasadeedka xisbigayga oo dad badan oo aqoon lihi kawada tashadeen soona diyaariyeen.

Himiladayadu waxay tahay in aanu sameyno dowlad qabata masuuliyaddeeda oo xilka umadda ka soo baxda, waxa qiimahayagu yahay maamul wanaag, musuqmaasuqa oo aanu la dagaalano, dad aqoon u leh oo qof walba xilka uu qaban karo loo dhiibo.

Somaliland oo kaabayaasha dhaqaalaheeda  kor loo qaado, dalka nabadiisa oo la illaaliyo iyo in aqoonsi rasmiya oo ay Somaliland  aduunka ka mid noqoto loo raadiyo, qorshahaas ayaan doonayaa in la igu doorto uu xisbigaygu soo diyaariyey,  koox adag oo xaaladdan xaalad ka wanaagsan geeyana aanu  soo diyaarsano, haddana diyaar buu nooyahay.

Waxa intaas noo raaca, waxaanu u arragnaa in dowladu saddex kaliyaata ay qabato, ta ugu horeysa waa inay dowladdu noqoto mid dadka caawisa, kaalmeysa dadka nugul, sida, naafada, dadka buka, waayeelka iyo dhalinyarada shaqada’la,  in Dowladu noqoto mid xoojisa oo wax galisa maskaxda dhalin yarada  iyo in Dowladdu dadka maalka iyo naftoodaba illaaliso, qofkasta oo Somaliland ahi gudaha uu amaan ku hello, xadkiisana aan cidi ku soo duulin, qodobkayga ugu danbeeyaana waxa weeyi, qiyamkayagu waa, Daacadnimo, Ammaano iyo Hawlkarnimo.

Jawaab: Gudoomiyaha ahna  Murrashaxa Xisbiga (WADANI) , Muddane, Cabdiraxmaan Cirro, Isla su’aasha  waxa uu kaga jawaabay oo uu yidhi: –  bulshada Somaliland hore ayey ii doorteen sannadkii 2005-tii, codkooda ayey Isiiyeen, ka dibna waxa la ii doortay dadkii la doortay baarlamaanka waxa ay ii doorteen innaan noqdo Gudoomiyaha gollaha baarlamaanka.

Markaa Somaliland muddanayaashii la doortay waxa ay ii doorteen innaan hoggaamiyo 12-sannadood,  muddadaas aan hoggaaminaayey waxaan ku fadhiyey kuraasida qarankan ugu sareeya, waxaan ahay oday wax badan ka og Somaliland, waxa kale oo aan leeyahay waayo arragnimo badan oo xidhiidhka caalamka iyo dublamaasiyada ah.

Waxaan soo maamulay intii aan ku jiray arrimaha dibada toban sannadood oo aan xogogaal u ahay beesha iyo iskaashiga caalamiga ah ee dunida, waxaan u keeni karaa Somaliland  aqoonsi iyo dhaqaale labadaba, waxaan ogahay in aan kaga waayo arragnimadaasi afartanka sanno ahi aan kaga muddanahay  labada musharax ee aanu saaxiibada nahay.

Somaliland waxaan is leeyahay in aan ahay nabadeeye, waxa dhacday bari dhaweyd in aan madaxtooyadda dhex-dhexaadiyey, waxa ugu danbeeyey nabadeynta murankii ka dhashay gollaha wakiiladda inaan kala badbaadiyey Somaliland, markii hayadihii arrimahaas ku shaqada lahaa ay ka gaabsadeen oo ay xallin karriwaayeen,  waxaan ahay nin ku adag shaqadda.

La soco……………………

 

Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso