Xisbiga WADDANI taageerayaal badan ayuu ku lumiyay dooddii murrashaxiinta Madaxweynaha.

Wax aan ka mid ahaa dadkii daawanayay dooddii Murrashaxiinta ee dhammaystay ilaa bilow ilaa dhammaad . Guud ahaan waxa aan u arkayay guul iyo horumar u soo kordhay Somaliland.

Murrashaxa Cabdiraxmaan Cirro dooddiisu waxay u badnayd Waxay ila tahay , Hadii lagu weydiiyo Maxaa kuu qorshaysan maaha inaad kagaga Jawaabto Waxay ila tahay waayo laguma weydiin fekerkaaga ee waxaa lagu weydiiyay qorshahaaga Murrashaxnimo.

Murrashaxa Cabdiraxmaan Cirro muu soo bandhigin Qorshe uu wax kagaga qabanayo Sicir bararka iyo qabyaalada wuxuuna u muuqday in aan arrintaa waxba uga diyaarsanayn . Sidoo kale Murrashax Cirro wuxuu khalday dhammaan tirooyinkii uu soo qaatay sida markii la doortay oo uu ku sheegay 2015. Wuxuu kale oo uu qalday qiimaha safirka oo uu 1$ ku sheegay 6 malyan waxaad ka dareemayaa inuu salbabaqsanaa oo uu markasta wax qaldayay.

Murrashaxa Madaxweynaha ee WADDANI Cirro wuxuu aad ugu fashilmay arrimaha debedda oo uu aqoon u sheeganayay waxaa cadaatay inaanu ahayn dublamaasi sidii ay isku raaceen labada murrashax ee kaleba waayo sooma bandhigin hal qodob oo lagu raadinayo ictiraafka iyo muu sheegin xidhiidh uu la yeelan doono Soomaliya , waxaaba muuqatay inay run tahay dhaliilo loosoo jeediyay oo ah inuu xidhiidh la leeyahay madaxda sare ee WADDANI.

Cirro muu ahayn nin diyaarsan guud ahaanba uma muuqan nin doodi kara oo Fagaarayaasha adduunka ka dhaadhicin kara Aqoonsi raadinta Somaliland , dhinaca arrimaha debedda wax uu cirro helay dhibcihii ugu hooseeyay waayo hal mawqif ma qaadan hal qodobna bulshada ugama sheegin aqoontii uu sheegan jiray.

Murrashaxa WADDANI waxa uu aad uga dood iyo dood adkeeyaba hooseeyay laba murrashaxa ee kale madasha aan ka daawanayay oo ahayd goobaha aadka looga taageero WADDANI ayaa laga dareemayay niyadjabka ku yimi iyo sida ay arrintaasi murrashaxaasi uga riday taageerayaal badan.

Markaan eegay dooddii Faysal Cali Waraabe oo qurux badnayd balse u muuqatay meelaha qaar inay aanay macquuliyad badan lahayn , Dhuuxay eryada iyo doodda Murrashaxa KULMIYE oo inta badan ku fadhiday macquuliyada iyo waaqiciga kuna salaysnayd barnaamijkiisa waxaan aaminsanahay inuu ahaa murrashaxa guulaystay Muuse Biixi Cabdi waxaana go,aansaday inaan taageero hada kadib.

Axmed Cabdilaahi .

Advertisement

Ku Xayeysiiso