Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Xaflada Ururka Midawga Haldoorka Iyo Aqoonyahanka

Hargeysa(ToggaHerer)Xisbiga kulmiye oo soo dhaweeyey habeenkii xalay ururka midawaga haldoorka iyo aqoonyahanka oo la midobay xisbiga KULMIYE.
xaflada oo ka dhacday hoteel guuleed waxa kasoo qayb galay siyaasin ka tirsan xisbiga kULMIYE oo ay ka mid yihiin siyaasi axmed tiinbaro,siyaasi luul xasan mataan,wasiirka caadalada soomaliland Axmed Faarax Cadare ,Safiirka Soomaliland Ee dalka fiinland Saamiya Muuse iyo salaadiin,cuqaal,dhalinyarao,haween iyo marti kale oo aad u tiro badan.
ugu horayn waxaa goobtaasi ka hadlay xubno ku hadlayay afka ururka midawga haldoorka iyo aqoonyahanka iyagoo ku dheeraaday siday uga goantay inay is bar bartaagaan xisbiga midnimada iyo horumarka Soomaliland ee KULMIYE cod dheerna ku sheegay inay cod iyo cududba la bar bar istaagayaan xisbiga kana goantahay sidii mar labaad majaraha hogaaminta dalka u qaban Murashax Md.Muuse Biixi Cabdi Iyo Ku xigeenkiisa Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”
Ugu Danbay waxa halkaasi ka hadlay siyaasi Axmed Tiinbaro ,Marwo Luul Xasan Mataan ,Marwo Saamiya Muuse Iyo Wasiirka Cadaalada Soomaliland Axmed Faarax Cadare iyagoo sheegay inay kusoo dhawaynayaan xisbga haldoorka iyo aqoonyahanka kuna bogaadiyay sida wacan ee isku bar bar taageen xisbiga KULMIYE.

Advertisement

Ku Xayeysiiso