Washington Oo ku eedeeysay Ciidanka Kacaanka Iiraan inay ka ganacsadaan daroogada  Afghanistan

Herbert McMaster la-taliyaha amniga qaranka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Ciidanka Kacaanka Iiraan in ay ka ganacsadaan Mukhaadaraadka Dalka  Afghanistan.

“Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan  waxay ka ganacsadaan heroin iyo opium wadanka Afgaanistaan si ay lacag uga helaan ugana ururiyaan, waxay sumeeyaan dunida waxay u isticmaalaan lacagtana si ay wax u dilaan,” ayuu McMaster ka yidhi hadal uu ka jeediyay Mu`asasada difaaca dimuqraadiyada.

“Ciidanka Kacaanka  waxaa loo aqoonsanayay  shabakad dambiilenimo,” ayuu yidhi, isaga oo ku eedeeyay inuu iibiyo dadka, hubka, shidaalka iyo alaabooyinka kale ee sharci darrada ah ee wadamada kale si uu helo helo lacag.

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso