Telefoonkeedii ayaa kaga dhacay badda waxay Lumisay Deganaashaheedii waxayna Doontay inay ka daba Boodo Si ay u soo qabsato!!!

Haweenay shiineys ayaa ay ka badbadiyeen shaqaale markab ka dib markii ay isku dayday in ay badweynta isku tuurto si ay u soo qabsato Mobile keeda oo kaga dhacay badweynta Erhai oo ah aag muuqaal dabiici ah oo ku yaalla Gobolka Yunnan.

Haweenaydan ayaa warbahintu xoog u qaada dhigtay warkeeda waxana muuqanaya shaqaalaha oo isku dayaya inay gabadha u diidaya in ay ka boodo Doonta, Wararka ay qorayaan warbaahinta Shiinaha ayaa lagu sheegay in Ms Liu ay aad u qaylisay saamayn xoogan ay ku yeelatay waxayna dooneysay inay booddo si ay u badbaadiso taleefankeeda sababtoo ah waxay ku jiray dukumiintiyo muhiim ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso