Taiwan oo u Jawaabtay Shiinaha : Shacabkaygu Ayaa Go`aansada Masiirkooda iyo Mustaqbalkooda!!

Xukuumadda Taiwan ayaa xaqiijisay in dadkeedu ay yihiin kuwa go`aan ka gaadhi kara masiirkooda iyo qaddiyaddooda mar ay ka jawaabayeen hadalka Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu ka sheegay kulan ay ku yeesheen Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha xukumaa magaalada Beijing.

“Isku day kasta oo lagaga saarayo jasiiradda Taiwan Shiinaha waa laga hortagi doonaa,” Madaxweynaha Shiinaha Xi ayaa sidaa ka sheegay Kalfadhiga 19-ka Congress-ka ee Xisbiga Xukuma Shiinaha.

“Nidaamka dimoqraadiyada ee Taiwan waa tiirarka aasaasiga ah ee jasiiradda,” ayaa lagu yidhi hadal ka soo baxay Golaha Taiwan waxaanay tilmaameen in shacabku go’aamiyo mustaqbalkooda.

Shiinuhu wuxuu u tixgeliyaa Taiwan oo ah Dal Nidaam Dimuqraadi ah Dhul ka Go`ay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso