Tacsi Xisbiga Kulmiye Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

 21 Oct. 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada, Golayaasha Baarlamanka iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaanoo ku geeriyooday dalka Jabuuti maanta oo taariikhdu tahay 21/10/2017.

 

Marxuum Xasan Cawaale Caynaan waxa uu ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Wakiillada ee laga soo doortay xisbigii UDUB sannadkii 2005, isagoo waqtigana ka mid ahaa mudanayaasha la midoobay xisbiga KULMIYE, waxaannu ahaa aqoonyahan ku soo tabcay oo waxbaray dhallinyaro badan oo reer Somaliland.

 

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso