Shiinaha ayaa Yemen ka Saamaxay deymo ka badan 700 milyan oo Yuan

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Yemen Tian Chi ayaa ku wareejiyey Wasiirka Khaarajiga Yemen warqad Shiinuhu Kaga Saamaxay Yemen deyn dhan 700 oo milyan oo Yuan.

Intii lagu jiray shirkii Doha sanadkii hore wasiirada arrimaha dibedda ee labada dal ayaa isku raacay in la dhiso taariikhda lagu saxiixayo heshiis si rasmi ah oo lagaga cafiyo Yemen Deymaha.

Safiirka Shiinaha ayaa sidoo kale ku wargaliyay In Shiinuhu ay gargaar degdeg ah siinayo Yemen oo ay ku jiraan 120 Qalabka tamarta qoraxda yaryar laga dhaliyo iyo 10 Waawayn oo iyana laga dhaliyo Korontada tamarta qoraxda qiimahooduna yahay 500,000 yuan.

Sidoo kale Safiirka Shiinaha ee Yemen ayaa sheegay in dalkiisa uu dirayo koox kale oo gargaar ah kaas oo iman doona Caden dhawaan marka ay soo gaadho qaybta hore.

Sarifka Isku Bedelka Dollar ka iyo Yuan ka ayaa ah sidan hoos ku xusan.

1 USD = 6.6249 Shiinaha Yuan

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso