Ku foolle: Muwaadiniinta Reer Somaliland gude iyo debed ba.

Casar-dheere wanaagsan, idil ahaantiiba waa Cabdinaasir oo idinka soo bariidinaya Hargeysa. Wanaagsan ammin kasta oo farriintani idin soo gaadho. Dhambaalkani wuxu si gaar ah ugu wajahan yahay dadyowga reer Somaliland ee gudaha dalka jooga iyo kuwa debedda jira ba.

Somaliland xilli aad u xasaasi ah ayay ku jirtaa, degmo aan wanaagsanayn xagga ammaankana waa ku taal. Qaranku waa curdin, saxaafadduna dabarka ayay goosatay xorriyad awgeed. Xilli doorasho ayaan ku jirnaa dadka ololeyaasha siyaasadda hor kacayaa shacabka ma jahayn, ereyo badan oo xanaf leh ayay hawada isku mariyaan. Dadku inta badan ma fahansana waxa aan wada leenahay iyo waxa kala leenahay. Qarannimada waan wada leenahay, dadkuna axsaabta way ku kala jiraan. Ragga hoggaanka ku loolamayaa dhammaantood waa gayaan in ay majaraha dalka qabtaan, dooddooda ugu adagna waa anigaa kaaga habboon dalka iyo mayee anigaa kaaga habboon. Saddexdu ba dalka way u soo shaqeeyeen, hawshoodu haba kala badnaatee.
Arrimahan ayaan qof ahaan ku talin lahaa;
1. Qofku ciddii aragti ahaan xisbi kale taageersan yaanu u arkin cadow iyo qof xun.
2. Ololaha si akhlaaq wanaag iyo dhawrsanaani ku jirto inaan u maamulanaa waa wanaagsan tahay, haweenka iyo dhallinyarta aadka u da’da yar xil gaar ah baa innaga saaran, is dhex galkooda iyo in ay daaqadaha qoorta kala soo baxaan oo dadka caayaan xisbinimada iyo Qarannimada ba uma wanaagsana.
3. Balwadaha yaan axsaabtu dhiiri-gelin oo dad cusub la barin balwada xilliga ololuhu waa xilliga da’ yartu balwadaha ugu badan bartaan.
4. Gadhwadeennada ama hoggaanka xisbiyadu akhlaaq wanaag iyo dhowrsoonaan badan ha muujiyaan sababtoo ah taageereyaashu iyaga ayay eeganayaan.
5. Ammaanka si wada jir ah aan u ilaashanno oo waan ka warqabnaa wixii walaalaheen Koonfurta ku dhacaye aan yar iyo weyn ciidanka la shaqaynno.
6. Wixii wanaagsan ee Somaliland ka dhaca ee dhiiri-gelinaya hannaanka dumuqraadiga ah waa in aan aad u buunbuunninaa oo qofkasta afkii uu ku qori karo ku qoro si wanaagga waddankeena ka jiraa dunida u wada gaadho.
7. Ololuhu waa wakhti kooban oo dhammaan doona dadku yay isku seegin wax aan waxba ahayn.
8. Saxaafaddu doorkan samaha ha ka shaqayso, haddii naxli iyo xumaan la naaxnaaxiyaa wax tarayaan qajeel ayaan ka soo shaqaynay.
9. Tudhaale ayuu waddanku innooga baahan yahay.
10. Waddankeennu dawladaha Africa ugu dumuqraadisan ayuu ka mid yahay, shacabkeennuna waa xor. Taasi ayaa u baahan in aan ku baanno oo dunida gaadhsiino mucaarid iyo muxaafid ba.
11. Wanaagga iyo samaha xisbiga aad taageerto adiga oo aan cid kale ugu sii istaagin ayaad sheegi kartaa.
Anigu Cabdinaasir ahaan, waxa aan ballan qaadayaa in aan intaa ololuhu socdo wanaagga iyo isku soo dhoweynta ka shaqeeyo, Qarankana wax wanaagsan ka gudbiyo qoraal ahaan. Axsaabtu way ii siman yihiin, goortan midna dhalliili maayo, kii wanaag sameeyana waan sheegi doonaa. Muhiimadduna waa Qaranka oo guulaysto.
RABBI GALLADDII

Advertisement

Ku Xayeysiiso