Daadihisada Xoolaha Umada Marwo Samsam Cabdi Aadan Waxay Baal Dahab AhKa Gali Doontaa Taariikhda Somaliland

Somaliland Rubuc qarni kadib waxay heshay daadihiye maaliyadeed oo ku haboon, Marwo Samsam Cabdi Aaadan oo hada ah wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa ah masuulkii kaliya ee sameeya waxyaabo badan oo soo jiita indhaha bulshada kuwaasi oo dareeno kala duwan ka bixiya mashaaricda muuqda ee ay qabto Daadihisada Xoolaha dadwaynaha Marwo Samsam Cabdi Aadan.

 

 

Ka Hor wakhtiyadii iyo sooyaalkii kala duwanaa ee ay soo martay marwo Samsam Cabdi Aadan waxa buuxa ee lagu xusi karaa in ay ka mid ahayd masuuliyiintii heeganka buuxa ugu jiray sidii ay u horumarin lahayeen bulshada gaar ahaan dadka aan codkooda la maqlin taasi oo in badan ka soo shaqaysay ururada maxaliga ah iyo kuwo caalami a, taasi oo ka mid ahayd dadkii bud dhiga u ahaa amaba asaasay xisbiga midnimada iyo horumarka ee kulmiye waxay guulo la taaban karo ka soo qabatay mudooyinkii uu xisbiga kulmiye loolanka adag ugu jiray sidii uu u hanan lahaa madaxtinimada dalka.

 

 

Wakhtiga maanta la joogo oo ay tahay masuul ku suntan waxqabad kana tirsan masuuliyiinta ay bulshada reer Somaliland sida gaarka ah ugu timaamaan in ay ka mid tahay dadka hir galiyey sidii wax wayn looga badali lahaa tubta loo marayo waxqabadka dalka taasina ay dhalisay in la helo wadooyin wanaagsan oo ay jeexday marwo Samsam Cabdi Aadan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada.

 

Ka hor wakhtigii loo magacaabay wasaarada maaliyada waxa ay soo qabatay wasiirka wasaarada Waxbarashada taasi oo samaysay qodobo badan oo taariikhda galay kuwaasi oo ay ka mid ahayeen tayeynta macalimiinta dalka, bixinta xaqa macalinka hawlgabka noqoda iyo dhisida dugsiyo kala duwan oo iskugu jira dugsiyo sare iyo kuwo hoose, wakhtiyadaa kala duwan ee ay soo martay xilalkaa kala duwan ee dawlada marnaba waxaan la hilmaami Karin in ay tahay masuul wax qabad oo meesha ay joogto ka dhigta muraayad ka soo dhex muuqata goobaha kale.

 

 

 

Daadihisada Xoolaha Umada Marwo Samsam Cabdi Aaadan geesta kale waxa ay kobac weyn gaadhsiisay dhaqaalaha dalka taasi oo samaysay mashaariic kala duwan oo dhanka maaliyadeed ah iyo sidii loo kobcin lahaa  ilaha dhaqaale ee dalka, waxaana taariikhda ay ka gali doontaa baal dahab ah oo in badan lagu xasuusan doono sida wanaagsan ee ay u hirgalisay mashaariic badan oo dalku tabayey.

 

 

Cumar Cabdirisaaq Cali
Saxafi Qoraa Ah

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso