15 sano oo xabsi ah oo lagu Xukumay Wiil dhalinyaro Mareykan ah oo Isku Dayay inuu ku Biro Kooxda Jabahtu Nusrah


Maxkamad Maraykanka ah oo Chicago ku taal ayaa ku xukuntay nin dhallinyaro ah 15 sano oo xabsi ah oo doonayay inuu ku biiro kooxda Nusrah ee Maraykanku ku sheego Argagaxiso.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Wiilkan dhalinyarada ah oo ah 18 jir lagu magacaabo Abdullah Ahmed Al-Tounsi ayaa lagu xidhay April 2014-kii garoonka diyaaradaha ee Chicago. Laamaha amaanka ayaa sheegay in Tunisiyaankan qorsheyneyey inuu ku biiro Jabhada Nusrah ee Suuriya isaga oo maraya Turkiga.

Ninka dhalinyarada ah ayaa qiray inuu ujeedkiisu ahaa inuu caawimaad u fidiyo ururka Nusrah uuna diyaar u ahaa inuu fuliyo weerar Qaraxyo intii aanu Dabin u dhigin sarkaal sirdoon oo Mareykan ah oo isaga dhigay xubin ka mid ah Jabahtu Nusrah.

Intii lagu jiray Fadhiga Maxkamada ninkan dhallinyarada ahi wuxuu u mahadceliyey masuuliyiinta Mareykanka inay naftiisa badbaadiyeen intii aanu ku biirin Ururkana ay Qabteen.

Warqabadka Togga Herer

Advertisement

Ku Xayeysiiso