140 Ruux oo lagu eedeeyay in ay Ugaadhsadaan Dadka Dhiiga Caba ama Dad Qalatada ah Wadanka Malawi oo La Qabqabtay!!

Bilayska Malawi ayaa sheegay in ay xidheen 140 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin dadka ugaadhsanaya Dad lagu eedeeyay inay Dhiiga Dadka Cabaan (Dad Qalo) ka dib weerarro ay ku dhinteen sagaal qof.

“Waxay ku gubeen nin 22 jir ah oo qaba cudurka qaaxada Deegaanka Chilica isla markaana mid kale ayay dhagxiyeen ilaa uu ka dhintay ka dib markii ay uga shakiyeen in ay yihiin kuwa dhiiga caba ama dad cunka ah ” ayuu yidhi afhayeenka bilayska Magaalada Blantyre

Dhacdadii ugu horreysey waxay ka dhacdey bar kaantarool oo bilayska leeyahay waddada tagta madaarka magaalada,mid ka mid ah xubnaha qoyska ayaa xaqiijiyay inuu qabay suuxdin iyo in la dilay markii uu guriga ka tegey si uu u aado isbitaal u dhow.

Weerarrada noocan oo kale ah ayaa lagu dilay dad badhtamihii Sebtembar Malawi waa mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka, halkaas oo khuraafaadku ku badan yahay si balaadhana ugu faafay Sagaal qof ayaa hore loogu dilay weerarrada.

Qaramada Midoobay iyo Safaarada Mareykanka waxay ku dareen meelo badan oo Malawi ah liiska madow oo ay ku jiraan aagagga khatarta ah waxayna uga digeen shaqaalahooda iyo muwaadiniinta in ay halkaas joogaan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso