Pakistaan Kooxda Dagaalanta ee Jaamacatul Al-axraar oo Wayday Hogaamiyahoodii

Kooxda Jamaacatu Al-axraar ayaa Khamiistii xaqiijisay dhimashada hogaamiyaheedii  Cumar Khalid Kharasani ka dib dhaawac ka soo gaadhay weerar ay  ku qaadeen dhawaan  diyaaradaha Maraykanka ee ku sugan Afghanistan.

“Hogaamiyahayaga Cumar Khalid Khorasani ayaa ku dhaawacmay mid ka mid ah weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Afgaanistaan, dhaawacaa oo ahaa mid culus maanta ayuu u shahiiday” ayuu afhayeen u hadlay Kooxda Assad Mansour u sheegay Reuters.

Kooxdan ayaa ka go`day  Kooxda kale ee Daalibaan Pakistan waxayna taageereen Kooxda Daacish .

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso