Khasaaraha dabka California ayaa ka badan hal bilyan oo doolar

Dave Jones oo ah sarkaal ka tirsan Waaxda Caymiska ee California ayaa sheegay in khasaarooyinka maadiga ah ee ka dhashay dabkii ka dhacay Kaymaha gobolka ay gaadhayso  $ 1,045 bilyan.

“Tiradan ayaa la filayaa inay korodho maadaama oo aan helayno warbixino badan oo ku saabsan khasaaraha.” ayuu ku daray hadalkiisa.

Jones ayaa sheegay in macluumaadka ay bixiyeen shirkadaha caymiska ee ugu sareeya  California ee 8-da ah  waxayna muujinaysaa in ka badan 5,000 guryo ah oo si buuxda ugu baabay dabka halka in ka badan 4,000 oo kale ay qayb ahaan burbureen In ka badan 3,000 baabuur ayaa iyana wax noqday.

Waxaa sidoo kale xusay in dabka ay ku dhinteen 42 qof.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso