Diblomaasiyiinta Afqaanistan ah oo magangalyo dalbanaya dibadda

Telefishin Afgaanistaan ah ayaa wariyey in ugu yaraan 203 diblomaasiyiin Afqaanistaan ah ay diideen in ay dalka dib ugu noqdaan kadib markii ay soo dhamaystireen howlgaladooda dibadda

Qaar badan ayaa magangelyo ka dalbaday waddamada ay ka  shaqaynayeen ama dal saddexaad.

“Tani macnaheedu maahan in dhammaan diblomaasiyiinta ay codsadeen magan galyo dibedda ah,” Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Afghanistan, Chakib Mustangni ayaa u sheegay telefishanka maxalliga ah

Mas’uuliyiinta Afganistan ayaa la filayaa in ay talaabo qaadaan si ay wax uga qabtaan dhibaatada oo ay ku jiraan inay dib ula noqdaan Mushaharaadka Dublamaasiyiintan Labadii Bilood ee ugu danbeeyay shaqadooda  ee dibadda.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso