Daawo “Julani” oo Ay Beenawday inuu Dhaawac Soo Gaadhay kana soo Muuqday Cajal Cusub

Laba todobaad ka dib markii Ruushku ku dhawaaqay inuu dhaawacay Abu Mohammed al-Julani hogaamiyaha Ururka Xoreynta Siiriya  gaadhsiiyeyna Dhaawac Culus ayaa Ururkiisu soo bandhigay  Cajal fiidiyoow oo muujinaya hoggaamiyahooda oo  caafimaad qaba.

Fiidyawga ayaa soo bandhigaya Julani oo la hadlaya qaar  ka mid ah ragiisa isagoo u jeedinaya khudbado koox dagaalyahanno ah ka hor inta aanay qabsan tuulooyinka Mushirfa iyo Abu Dali oo ku yaala Duleedka  Hama Badhtamaha Suuriya  toddobaadkii hore waxayna ku nuuxnuuxsadeen sii wadidda hawlgaladooda millatariga.

Waxa uu yidhi: “Doorashadooda Xalka milatari waa  Bud-dhiga Ururkooda Taxriiru Shaam in aan Joojino Doorashadayda  millatari kuma riyoon doonaan Cadawgayagu.”

Wasaaradda gaashaandhiga Ruushka ayaa hore u sheegatay howlgal gaar ah oo ay qaadeen ciidamada cirka ee Ruushka ee Suuriya ay keentay dilka 62 ruux oo ka yimid Ururka Xoreynta Shaamayna ku dhaawaceen hoggaamiyaha Julani ..

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso