Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Garabka Rajada Xisbiga UCID Oo Kuso Biiray Xisbiga KULMIYE

Hargeysa(ToggaHerer)Habeenkii Xalay Xisbiga KULMIYE Ayaa kusoo dhaweeyey Xisbiga Garabkii Rajada Gusha Xisbiga Mucaridka Ee UCID Oo Ka Kooban Dhalinyaro Ka Kala Socotay Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka .
Waxa Kasoo Qayb Galay Hogaanka U Sareeya xisbiga Oo uu horkacayo Gudoomiye ku xigeenka Md.Maxamed Kaahin Axmed Wasiiru Dawlaha Beeraha Md.Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan,Wasiiru Dawlaha Ganacsiga Md.Maxamuud Warsame Jaamac,Xubno Ka Tirsan Xildhibaanada Golayasha deeganka Iyo Qaranka.
Dhalinyarada Rajada UCID ee kusoo biiray xisbiga KULMIYE Oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay siday ugu faraxsanyihiin ku biiritaankooda xisbiga KULMIYE Iyo sida quruxda badan ee loo soo dhaweyey si isku midana u balan qaaday Inay cudud iyo codba la garab istaagayaan xisbiga Midnimada Soomaliland ee KULMIYE.
Gudoomiye Ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Md.Maxamed Kaahin Axmed Oo Soo Gunaanaday Xaflada ayaa dhalinyarada ku bogaadiyay goankooda iyo ku biiritaanka xisbiga kulmiye Una Sheegay inaan cidna ka xigin xisbiga Kulmiye”Cidna Idinkama Xigto Xisbiga Kulmiyana maaha xisbi la kala leeyahay “

Advertisement

Ku Xayeysiiso