Nin Ayni ah oo Qur`aanka Ku Xifdiyey Muddo Sannad Ka Yar!!!

Oday waayeel ah ayaa Alle Subaxaanuhu Watacaalaye Ku guuleeyey in uu Xafido Qur`aanka Kariiimka Cabdullah al-Jarjawi ayaa loo caleemo saaray ruuxa ugu da`da Weyn Ee Xafiday Qur’aanka Kariimka ah magaalada Jeddah ee sanadka 1438 AH.

Jarjawi oo 65 jir ayaa markii uu ka hawlgabay shaqada Sanadii Hore wuxuu bilaabay kuna xidhmay Xalqado Xifdinta Qur`aanka ah masjidka Jaamici Ahlu Khayr ee xaafadda Sharafiya magaalada Jeddah, wuxuuna ku guulaystay inuu Qur`aanka ku xafido 10 bilood gudahood sida laga soo xigtay wargeyska “Okaz”.

Waxaa uu sheegay Jarjawi inuu Qur`aanka uu maalin kasta akhriyo saddex ilaa shan jeer isagoo intaa ku daray in uu helay saamaynta togan ee uu noloshiisa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso