Madaxweyne Silaanyo Oo Ka Qaybgalay Munaasibad Shirkada DP World Kusoo Bandhigtey Qalab Tirro Badan Oo Ay Kusoo Kordhiyeen Dekadda Berbera Isla Markaana Dhagax-dhigey Free zone Dekada Mashaariic Kale Furay

 

Berbera(ToggaHerer)Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxauud Siilaanyo iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa galabta gaadhay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen xubno ka tirsan Xukuumadiisa ayaa Berbera kaga qayb-galay munaasabada ballaadhan oo shirkadda DPWorld kusoo bandhigaey qalabkii ugu tirada badnaa ee lagu soo kordhiyo dekadda Berbera, sidoo kalena Madaxweyne Siilaanyo ayaa duleedka galbeed ee Berbera ka dhagax-dhigay Dhul lagu qiyaasay dhawr iyo toban KM oo laga dhisi doono Free Zone-ka dekada Berberi yeelan doonto oo wax weyn ka tari doona isticmaalka dekadda.

 

Dhagax-dhiga Free-zoneka ayaa waxa Madaxweynaha warbixin ka siiyey Wasiirka Qorshaynta Mudane Maxamed Ibraahin Aadan (Qabyo-tire) waxaanu yidhi “ Mudane Madaxweyne maanta waxa aynu dhagax dhigaynaa Free-zone-kii berbera, oo cabirkiisu yahay 1200 oo Higter, Free Zone-ku waa waxyaabaha lagu xasuusan doono, ama ay taariikhdu xusi doonto ee ku cusub saaxada Somaliland, haday tahay Dekad la balaadhiyaba, taakhiidu in badan ayey ku xusi doontaa, waxyaabah laga faa’iido Free zone-ka waxa ka mid ah shaqo abuurka, Jamal Cali hadaynu tusaale u soo qaadabo waxa subaxii u shaqo taga boqol iyo kunton kun oo qof, waxa degan todobada kun oo cambani, Insha Allah, waxa aynu halkan ka filaynaa in shaqaalaha ugu badan ee Somaliland in ay halkan ka shaqo gali doonaa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Somaliland Mudane Axmed Maxamed SIilaanyo oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Aad ayaa ugu farax-sanahay in aan maanta dhagax-dhigo mashuucan Free zone-ka, kaasi oo ahmiyad aad u weyn leh, qiimo weyna leh, Insha-alaahu Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu noqdo kii lagu guulaysto ee noqdo mid waxtar u leh Qarankan iyo ummaddiisaba.”

Madaxweynaha iyo weftigaasi ayaa intaasi ka dib gaadhay Saldhiga milatari ee dawladda imaaraadku ay Berbera ka samaynayso, isaga oo Madaxweynuhu uu kordheray dhismaha saldhigaasi, qaybahiisa kala duwan oo ay ka mid tahay Deked u gaar ah saldhigaasi, waxa halkaasi Madaxweynaha Warbixin ku siiyey khuburada gacanta ku haysa dhismayaashaasi.

 

Madaxweynaha iyo weftiga ayey ugu dambayn gaadhay Marsada caalamiga ah ee Berbera halkaas oo ay ka fureen mashaariic cusub iyo qalab cusub oo ay keentay shirdkada DPWorkd, waxana loo qabtay munaasibad balaadhan  iyada oo uu ugu horeyn madaxweynuhu warbixin ka dhagaystay ku-simaha madaxa shirkada DPWorld ee Somaliland Mr. Superchia oo ka xogwaramay tirada qalabka ay ku soo kordhiyeen dekadda oo lagu soo bandhigay barxada dekada, kuwaas oo ka koobnaa 4 fork liftaro casri ah, 10 tareele oo konteenarada qaada, 2 kalmar oo casri ah iyo10 seebaydharo casri ah oo kor u qaadi adeega guud ee dekada berbera.

 

Mr. Superchia waxa kale oo uu sheegay in muddadii koobnayd ee ay dekadda ay gacanta ku hayeen ay ku talaabadsatay dekadu horumar mug leh oo dhinac kasta ah, iyadoo 60% ay kor u kacday adeega dekada ee dejinta kontiinarada, halka dakhliga adeega dekada uu gaadhay halkii u sareysay abid intii dekadda berbera jirtay. Sidoo kalena waxa uu xusey in ay gacan weyn ka geystaan horumarinta adeega bulshada ee G/saaxil sida caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada.

 

Maareeyaha dekada Berbera ayaa isna si qoto dheer uga warbixiyey horumarka muga iyo miisaanka leh ee shirada DPWorld kusoo kordhisay dekada Berbera tan iyo intii ay la wareegtay gacan ku haynta maamulkeeda.  Gudoomiyaha shirkada shaqaalaha xoogsatada ee Stevedores Ciise Cali  iyo madaxa hawlgalinta DPWorld ee dakada Berbera Faysal Xabashi, kuwaasi oo ku dheeraaday isbedelka ku yimid daryeelka shaqaalaha, mushahaarooyinka iyo adeega guud ee dekadu bixiso, waxaanay xuseen in kor loo qaaday mushaarooyinka shaqaalaha iyo daryeelkoodaba, isla markaana xukuumadu ballanqaaday inay bixiso xuquuqda shaqaalaha shirkadda Stevedores oo waxna la siisay inta kalena miisaaniyadda loogu daray.

 

Maamulaha Kastamka dekada Berbera ayaa isna dhankiisa waxa uu shaaca ka qaaday inay kordheen cashuuraha iyo ajuuraanka dekadu 580%, kontiinarada canshuurtooduna koridhay 30%, halka canshuurta kastomku korodhay 10%.

 

Wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland  Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa ka war bixiyey Ujeedada safarka Madaxweynaha waxaanu yidhi “ Weftiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu hor-kacayo, ujeeda u weyn ee aanu su soo baxnay waxa ay ahayd laba arrimood, in madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa u kuur-galaan, mashaariic waaweyn oo wadanka laga fuliyey xadhiga ka jaraan, qaarna dhagax dhigaan sidii Free Zone-kii, oo faa’iido weyn u leh qaranka Somaliland, Madaxweynuhu wakhtigii ugu dambeeyey ee muddo xilikeedkiisa ayuu ku jiraa, tacabkii ay beereen midhihiisii soo baxay in aanu indho-indhayno oo isha ku dhufano, oo aragno aad iyo aad ayey muhiim u tahay, shacabka aanu marag gashano.” Ayuu yidihi Wasiir Xaashi.

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo gabo-gabadii munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay muhiim gaara u leedahay Qaranka qalabkan lagu soo kordhiyay dekadda Berbera, waxaanu yidhi “ Aad iyo aad ayaan ugu farax-sanahay in aan maanta munaasibadan ka soo qayb galo, Dekedda Berbera kordhinteeda iyo horumarinteeda aad ayaan ugu farax-sanahay, Insha Allaahu tacaalaa horumarkaas aynu dalka ka samaynay, ee Dekeddu samaysay waa mid dalka iyo dadku u baahan yahay, waa mid aynu maalin-ba maalinta ka sii damabaysa ka soo kordhin doono, IlLAAHAYNA waxa aynu ka baryeynaa in uu inala gacan qabto oo guul iyo horumar aynu ka gaadhno.”

 

Geesta kalena Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xadhiga ka jaray, dhismaha cusub ee xarunta Wasaarada Maaliyada Somaliland, oo ay hir galisay Wasiirka Wasaaradaasi Marwo Samsam Cabdi Aadan. Dhismahaasi oo ah dhisme ka kooban laba dabaqa oo si casri ah oo dhisay ayaa waxa madaxweynaha ku qaabilay, masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada oo ay horkacaysay wasiirka Wasaradaasi, Madaxweynaha ayaa dhismaasi furay, qaybahiisa kala duwana kormeeray.

Advertisement

Ku Xayeysiiso