WAR DIIDA SHABAABKA DIIDA. By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

Difaac oo qoriga qaado
Dalkaaga u hiili maanta
Dadkaaga badbaadi jaalle
Digtoonoow adigu boowe
Adigu diid xumaha saaka
Dareen oo toos walaalle
Na daadihi adigu eeddo
Durtaba na jihee abbaayo
Dumaashi dhaqaaji xoogga
Inaabti dadaal haddeerto
Dirgoo nakaxee adeero
Awoowe ducee hadhoowto
Dugaagga dadkeenna laayey
Dilaaga udayri huunno
War diida shabaabka diida
Soomaalaay diida diida

Diyaar garow muuji eegga
Dabada iska raaci heedhe
Dubaallada qiiqa saydha
Ka demi faynuuska daaran
Dabkiyo qorigiisa tuura
U diida nasashada u diida
Dayrkiyo gurigana u diida
Dalagga beeraha u diida
Duurkay gubayaan u diida
Dakhliga dhuxushana u diida
Nabee dekedaha u diida
War diida shabaabka diida
Soomaalaay diida diida

Dareeroo wada dhaqaaqa
Derdera cadowgeenna jiidha
Carabta na dagaysa diida
War diida dibibdaabyo diida
Itoobiya diida diida
Kenyada deriskeenna diida
Digifta Afrikaanka diida
Dareemoo xumaha diida
Dantiinna u toosa waaga
Difaaca dalkiinna hooyo
War diida dulliga idin saaraan
Dumista qarankeenna diida
Shabaab iyo Daacish diida.
Soomaalaay diida diida

Dugsiga ubadkeenna aaday
Hooyada danyartee jarmaadday
Dukaamada suuqa hoose
Daangada looskiyo saloolka
Digirta beegtiyo saliidda
Aabbaha daranyaysan gaajo
U foofay dillaalka saaka
Duubcadda culimadiyo shiikha
Kuwaa dabargooyey diida
Kuwaa dilay diida diida
Duqooshinka laayey diida
Shabaab iyo daacish diida
Soomaalaay diida diida.

By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

dalmarbilaal@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso