Beesha Haashim Abokor oo Casuumad Taageero ah u Samaysay Murrashax Madaxweynaha KULMIYE

 

Hargeysa (ToggaHerer )- Mid ka mid ah beelaha dega Koonfurta caasimadda Hargeysa iyo Gobolka Hawd (Haashim Abokor/Arab), ayaa casuumad ballaadhan oo taageero ay ku siiyeen u sameeyey murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

Casuumadda oo ahayd si heer sare ah loo agaasimay oo ka dhacday beer ku taal deegaanka Uubaale ee deegaanka Masalaha ee Koonfurta magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay madaxdhaqameedka iyo waxgaradka beesha Haashim Abokor, salaadiin kale, masuuliyiin iyo siyaasiyiin fara badan oo lagu casuumay iyo boqolaal qof oo beesha deegaanka ah, waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo halkaasi loogu muujiyey taageero baaxad leh.

Madasha casuumadda oo ahayd mid lagu xardhay calanka xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo sawirka Murrashax Muuse Biixi, waxa hadallo ka jeediyey cuqaasha beesha martida loo ahaa oo dhammaantood isku raacay inay beel ahaan u midaysan yihiin taageerada xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweynaha Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo carrabka ku adkeeyeen inuu isagu yahay murrashaxa ugu mudan ee u qalma madaxweyne hoggaamiya dalka Somaliland waqtigan, isla markaana beel ahaan uu jiro xidhiidh fara badan oo ka dhexeeya Muuse Biixi deegaan ahaan iyo taariikh ahaanba.

Masuuliyiin iyo madaxdhaqameed ay ka mid yihiin; Xildhibaan Axmed Cabdi (Kijaandhe) iyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo khudbado ka jeediyey casuumaddaasi, ayaa ka mahadceliyey casuumadda ballaadhan iyo taageerada wayn ee beesha deegaanku u samaysay murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo iyaguna ay u arkaan inuu yahay ninka ugu habboon in loo doorto madaxweynenimada qaranka.

Suldaanka guud ee beesha Haashim Abokor Suldaan Barre Xaaji Xuseen, ayaa isna si ballaadhan ugu mahadceliyey dadweynaha iyo marti sharafta ka qaybgashay casuumadda iyo sida ay u taageereen xisbiga KULMIYE.

Suldaan Barre waxa uu tilmaamay in taageerada isaga beeshiisu siinayaan murrashax Muuse Biixi ay tahay mid uu ka mudanyahay, waxaannu yidhi, “Muuse Biixi aniga iyo beeshaba abaal wayn oo aan la iloobi karin ayuu nagu leeyahay, maanta oo uu doonayo dad iyo madaxweyne hadalkiisaba daa ee inta uu nool yahay aniga iyo beeshuba wax la iloobi karo maaha.”

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey casuumaddaasi, ayaa erayo farxad iyo mahadcelin ah kaga dareen-celiyey martiqaadka iyo taageerada loo sameeyey.

“Waxaan aad iyo aad uga mahadnaqayaa xafladdan iyo casuumaddan karaamada iyo sharafta leh ee madashan quruxda badan leh ee abaabulka badan la galiyey, karaamadaa iyo taageeradaa aad noo muujiseen xisbi ahaan iyo murrashaxiin ahaanba aad iyo aad baanu idiinka mahadnaqaynaa ee Ilaahay ha idinka abaalmariyo,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso