Reer muqdisho qalbigiina adkeeya guusha rabigeen maruun bay iman

Reer muqdisho qalbigiina adkeeya , guusha rabigeen marunbay iman .

Somali idilkeedba rabi ha ugargaaro dhamaantood , waa dad iska dulman oo iswada dulmiyay , iswada reebaya oo aanu midina ogalayn inuu ka kale noolaado , hadii lagayaabana inyaroo faro ku tirisa la helayo oo fayaw.

Dulmigan iyo imtixaankan socda waan ku garaadaystay , ayagoo dadkeenu la ilmaynayaan , la murugoonayaan , islaciilkaambinayaan qaar ay hore ugu soo dhacday dhibaatadan mid lamidi iyo kuwa ay iimka ku dhacdayba .

Dhibaatooyinkaasi waa mid ay ahayd inaynu cashar iyo waayo aragnimo ka barano oo dabadeed , mid taa lamidi dib inoogu dhicin , laakiin kamaynaan baran oo inyar kabacdina waynu hilmaamnaa oo aynu ,hilmaamina doonaa ,  lagana yaaba wixii aanu hore uga ilmaynaynay inay hadana nasoo marto .

Dunidan aynu ku dulnoolahay ilaa nabi aadan ayuu dulmiga iyo dhibaatada noocan oo kalii ka dhacaayeen , se maanta dalalka islaamkoo dhanbuu ka dhacaa  , laakiin qaarada yurub iyo america ,,,,,, maanta  dhibaatooyinkaa xal way u heleen  oo waxay noqdeen meelaha lagu badbaado, qadarta alle oo ugu timaada mooyee.

Dadka somaliyeed maanta way yartahay inta aanu warwar haynin , inta kale markaa loo eego .

Kuwa idhi dawladbaan ahayeey oo nidaam baan  yara samaystay iyo kuwa kaleba maanta waa laba miduun inay yihiin kuwo la madhanaya oo ku naf wayaaya  bambooyin ay ayagu isku dhigeen , iyo kuwo kale oo isku aasaya bambooyinka masiibada ah  khatarna ugu jira inay maruun lakacaan bambooyinkaasi.

Waxay ahayd inuu maankeenu  karo oo aynu kasoo kabano dhibaatooyinkii inasoo maray oo casharo lama ilaawana kabarano , laakiin sidaan hore u soo sheegay lagayaabaa inay dib noogu dhacdo.

Maanta shantii somaliyeed meel fayoowi majirto oo sidaa yurub iyo america loogu yacaa , se meel kaste dhibaatadan iyo imtixaankani wuu ka jiraa walow ay kusii kala dardaran yihiin uun  , qaar waa kuwa dalkoodii ay xaqa ugu lahaayeen inay nabad ugu nooladaan maalin kaste laga yaabo inay qaar ku qudh baxaan , shalaytadan oo ugu danbaysay boqolaalku ku nafwaayeen

 qaar kale oo dhulka somaliyeed ku nooli  maanta digdeetarbaa dhakada kaga taagan oo isla ciil kaambinaya inay maruun xoriyad helaan , noloshan adag ka baxaan ,  walow kuwaasi ay yara dhamaan kuwaa kale masiibadu la dariska tahay maalin walba.

Qaar kale maanta hab nidaam guumaysi ah laakiin se aan muuqan loo haysto , walow ayagu se  yihiin kuwa ugu rajada fiican ee horumarkana  ku talaabsaday ee maanta  bahiyihii dadkooda dhadhaweeyay inay daboolaan , sababtuna tahay isteerinka loo hayo awadeed, laakiin se hadii loo siidayn lahaa walalahoodaa somaliyeed ee kale lamid noqonlahaayeen  .

Kuwan ugu danbeeyaa waa kuwan ayagu shookaanta isku haya nidaamkana samaystay kabacdi holaca markii ay isla soo mareen midkoodna shookaanta ku adkaan waayay dantuna isku keentay oo muddo dheer wada noolaaday , se nasiibdaro ayaguna waxaa lagu imtixaamay qabyaalad , cid dhawaysi , taasbaana horumarkoodii dabartay oo dib dhacooga usababa marka loo eego dawalada jabuuti iyo taa kilalka shanaadba , maantadan aynu joogno ilaahay burcad ha isku mariyee dib u soo istaadhay qabyaaladii hore u soo baabiisay , casharkii ay kasoo barteena ilawsan maanta .

  Maanta reer waqooyi ahaan bambooyinkan halistaa ee inoo aasan waxa lagaga badbaadi karaa qabyaaladan aynu dib usoo istaadhnay oo aynu bakhtiino ,  reerahan loo shiraayo iska dhaafno , farahana kaqaadno doorashadana aynaan reer hebel ku salaynin , dib u eegno hagardaamooyinkii inasoo daashaday , dib u eegno boqolaalkii aynu iska dilnay , dib u eegno boqolaalkii ay duumadu qaxoontida ku laysay , dib u eegno burburkii dhaqaale .

 maanta waxaa isbadbaadinkara reer waqooyi hadaynunahay  waa shacabka iyo ciidankeena hubka sida oo wada jira , siyaasiga danaystaha ah hagardaamadiisa maqlin , ayagoo nabadooda ilaashanaya iskana qabanaya siyaasiiga danaystahaa ee damca hadii ladooranwaayo inuu khal khal galiyo shacabkeenan iska tabcaankaa , doorashadoodana ku saleeya ayagoo dooranaya kii u dana oo dabcan maanta  saddexda musharax ka ugu haboon inladoorta wuu muuqdaaye la doorto.

Kabacdi reer waqooyi oo nabadaa ku nool lagudo galo sidii somali oo dhan nabad u heli lahayd , loolana wada hadli lahaa ayadoo gunta ladhayayo .

Ilaahaybaan uga baryaynaa intii ku dhimatay muqdisho qaraxii ka dhacay ee  gacanta ka xaqdaranina dishay rabi inuu fadligiisa ugu naxariisto dhamaantood , intii ku dhaawacantayna caafimaadiyo , ehelkoodii ay ka baxeena samiryo iima kasiiyo , 

Waanu idiin la qabnaa murugada iyo xanuunka aad dareemaysaan .

Mohamed abdirahmaan (dhumiye)

FB_IMG_1502449167359.jpg

  ·  Print

M

Maxamed abdirahmaan

to editor
1 hour ago

Details

WALAALAHAYAGA REER MUQDISHO WAANU IDIIN LA QABNAA XANUUNKA IYO MURAGADABA.

Somali idilkeedba rabi ha ugargaaro dhamaantood , waa dad iska dulman oo iswada dulmiyayay, iswada reebaya oo aanu midina ogalayn inuu ka kale noolaado , hadii lagayaabana inyaroo faro ku tirisa la helayo oo fayaw.

Dulmigan iyo imtixaankan socda waan ku garaadaystay , ayagoo dadkeenu la ilmaynayaan , la murugoonayaan , islaciilkaambinayaan qaar ay hore ugu soo dhacday dhibaatadan mid lamidi iyo kuwa ay iimka ku dhacdayba .

Dhibaatooyinkaasi waa mid ay ahayd inaynu cashar iyo waayo aragnimo ka barano oo dabadeed mid taa lamidi dib inoogu dhicin , laakiin kamaynaan baran oo inyar kabacdina waynu hilmaamnaa oo aynu ,hilmaamina doonaa ,  lagana yaaba wixii aanu hore uga ilmaynaynay inay hadana nasoo marto .

Dunidan aynu ku dulnoolahay ilaa nabi aadan ayuu dulmiga iyo dhibaatada noocan oo kalii ka dhacaayeen , se maanta dalalka islaamkoo dhanbuu ka dhacaa  , laakiin qaarada yurub iyo america  maanta  dhibaatooyinkaa xal way u heleen  oo waxay noqdeen meelaha lagu badbaado ee loo cararo , qadarta alle oo ugu timaada mooyee.

Dadka somaliyeed maanta way yartahay inta aanu warwar haynin , inta kale markaa loo eego .

Kuwa idhi dawladbaan ahayeey oo nidaam baan  yara samaystay iyo kuwa kaleba maanta waa laba miduun inay yihiin kuwo la madhanaya oo ku naf wayaaya  bambooyin ay ayagu isku dhigeen , iyo kuwo kale oo isku aasaya bambooyinka masiibada ah  khatarna ugu jira inay maruun lakacaan bambooyinkaasi.

Waxay ahayd inuu maankeenu  karo oo aynu kasoo kabano dhibaatooyinkii inasoo maray oo casharo lama ilaawana kabarano , laakiin sidaan hore u soo sheegay lagayaabaa inay dib noogu dhacdo.

Maanta shantii somaliyeed meel fayoowi majirto oo sidaa yurub iyo america loogu yacaa , se meel kaste oo gayiga somali kamidi dhibaatadan iyo imtixaankani wuu ka jiraa walow ay kusii kala dardaran yihiin .

 qaar waa kuwa dalkoodii ay xaqa ugu lahaayeen inay nabad ugu nooladaan maalin kaste laga yaabo inay qaar ku qudh baxaan , shalaytadan oo ugu danbaysay boqolaalku ku nafwaayeen

 qaar kale oo dhulka somaliyeed ku nooli  maanta digdeetarbaa dhakada kaga taagan oo isla ciil kaambinaya inay maruun xoriyad helaan , noloshan adag ka baxaan ,  walow kuwaasi ay yara dhamaan kuwaa kale masiibadu la dariska tahay maalin walba.

Qaar kale maanta hab nidaam guumaysi ah laakiin se aan muuqan loo haysto , walow ayagu se  yihiin kuwa ugu rajada fiican ee horumarna ku talaabsaday ee maanta  bahiyihii dadkooda dhadhaweeyay inay daboolaan , sababtuna tahay isteerinka loo hayo awadeed, laakiin se hadii loo siidayn lahaa walalahoodaa somaliyeed ee kale lamid noqonlahaayeen  .

Kuwan ugu danbeeyaa waa kuwan ayagu shookaanta isku haya nidaamkana samaystay kadib  holac markii ay isla soo mareen midkoodna shookaanta ku adkaan waayay dantu isku keentay oo muddo dheer wada noolaaday , se nasiibdaro ayaguna waxaaa lagu imtixaamay qabyaalad , cid dhawaysi , taasbaana horumarkoodii dabartay oo dib dhacooga usababa marka loo eego dawalada jabuuti iyo taa kilalka shanaadba , maantadan aynu joogno ilaahay burcad ha isku mariyee dib u soo istaadhay qabyaaladii hore u soo baabiisay , casharkii ay kasoo barteena ilawsan maanta .

  Maanta reer waqooyi ahaan bambooyinkan halistaa ee inoo aasan waxa lagaga badbaadi karaa qabyaaladan aynu dib usoo istaadhnay oo aynu bakhtiino ,  reerahan loo shiraayo iska dhaafno , farahana kaqaadno doorashadana aynaan  reer hebel ku salaynin , dib u eegno hagardaamooyinkii inasoo daashaday , dib u eegno boqolaalkii aynu iska dilnay , dib u eegno boqolaalkii ay duumadu qaxoontida ku laysay , dib u eegno burburkii dhaqaale .

 maanta waxaa inabadbaadinkara reer waqooyi hadaynunahay  waa shacabka iyo ciidankeena hubka sida oo wada jira .

 siyaasiga danaystaha ah hagardaamadiisa aynaan

 maqlin , inagoo nabadeena ilaashanayna iskana qabanaya siyaasigaa

ga danaystaha ah ee damca hadii ladooranwaayo inuu khal khal galiyo  bulushadeenan iska tabcaankaa , doorashadoodana ku saleeya ayagoo dooranaya kii u dana oo dabcan maanta  saddexda musharax ka ugu haboon inladoorta wuu muuqdaaye la doorto.

Mohamed abdirahmaan  (dhumiye )

Advertisement

Ku Xayeysiiso