Xisbiga Kulmiye Iyo Koobka Musuqa Adduunka . Qalinkii Prof Mohamed A. Farah (Jaafaa)

Waa maalmo is Xigxiga oo siyaasada dalka aysan fadhiyin, waa Arooryo iyo subax aan suubanayn, waa saacado xiidhiidhsan, hadana maqalka wararka aysan dhagahaagu u rooneyn, waa maqal lagu lifaaqay muuqaalo ku Qamuunyo gelinaya, waa maalmo Siyaasigu badan yihiin hadana mid walba uu muunad gaar ah isu yeelayo, waa Mindiyo isu tumasho hor leh oo magacyo qurux badan la huwiyey, waa waa shirar beeleedyo.

Ilaahay ayaa mahad leh isaga ayaan Ku shukriyeynaa, oo kaalmaysanaynaa, oo dambi dhaaf weydiisanaynaa, llaahay ayaan ka magan galaynaa nafteena sharteeda iyo acmaasheena xun. llaahay wuxuu waajibiyey waxyaalo waajib ah oo aysan banaaneyn in la dayaco, wuxuuna jeexay xuduud aysan banaaneyn in la dhaafo.
Islaamku wuxuu meel adag ka istagay laaluushka iyo maalka dadka oo si xaqdaran u cuntid. Waxay ka mid tahay danbiyada waa weyn ee lagu halaagsamo, Dadka caadada ka dhigtana waxa loo balan qaaday halaag adduun iyo hoog aakhiro, Waxa laga xarimay laaluushka dhamaan nocyada kala duwan ee bulshada, madaxdeeda iyo shacabkeeda, Mana jirto cid loo baneeyay inay laaluush qadato daruuf kasta iyo dan walba oo haysaba.

XISBIGA KULMIYE….wuxu ku caam baxay, musuq-maasuq iyo wax is daba marin oo uu heysto koobka musuqa aduunka. Arintaan waa mid dalka haysata waana musuq baahsan oo ah lunsashada hantida shacabka.

Dadkeygu uma arkaan inay tahay danbi Alle ama mid Eebe, Sidoo kale uma arkaan khiyaamo qaran,Taas waxay keentay in qof walba siduu doono ugu tagri falo, xoolihii ummada. Wuxu Abu Hureyra ka soo weriyey Nebigeena suuban (SCW), xadiis saxiix ah,
لعن الله علي الر اشي والمرتشي

QALINKII PROF. MOHAMED AHMED FARAH (JAAFAA)
KRISTIANSAND, NORWEY

Advertisement

Ku Xayeysiiso