Ururka Horumarinta Beelaha Subeer Celi oo Taagero U Muujisay Kulankii Xalay Dhex Maray Beelwaynta SUBEER-CELI iyo Musharax Xibiga KulMIYE MUJ:MUUSE BIIX CABDI.

Ururka Horumarinta Beelaha Subeer-celi (ARAB) oo Taagero mug iyo miisan leh u diray dhamaan waxgaradka,cuqaasha,sulaadiinta,dhalinyarada iyo haween waynaha beelwaynta subeer celi oo taageridooda xisbiga kulmiye sii laban laabay islamarkaana isla qaatay inay musharax xibiga kulmiye muj Muuse Biixi Cabdi la garab Taaganyihiin Hiil iyo Hooba codkoodana siin doonaan islamarkaana Tacab Taagero iyo Taakulba la garab Taaganyihiin Musharax xisbiga Kulmiye Muj MUUSE biix Cabdi.
Sidoo kale Ururka Horumarinta Deeganada Beelwaynta Subeer Celi waxay Hambalyo Iyo Bogaadin Hawada U Marinyaan Masuuliyinta Saaxada Siyaasada Ugu jira oo ku sifeeyen masuuliyiiin ku suntan waxqabad iyo isku xidhka xukuumada iyo degaanada ay ka soo jeedan,waxaanay Hambalyo hawada u Marinayaan Wasiir Ku Xigeenka Hawlaha Guud/Siyaasi Libaan Yuusuf Cismaan oo isagu ah siyaasi dhalinyaro ah islamarkaana Gunta dhiisa isaga dhigay kuna Habeen iyo Maalinba U taagan Dardar galinta Hawlaha xibiga sidoo kalena kalsooni badan iyo taagero laxaad leh ku leh degaanada beesha subeer celi,waanu ku hambalyaynaa wasiir Libaan Taagerada iyo isku xidhkaba.

Guntii iyo Gaagabdii waxay Ururka hambalyo hawada u mariyeen musharaxa xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay ku sifeeyen Musharax Waqti Xaadirkan Somaliland Baahi wayn U qabto hogaamintiisa islamarkaana Somaliland kala dabaalan kara xaaladaha ay ku suganthay.

XAFIISKA AF HAYEENKA Ururka EE Magaalada London.Uk

WA BILLA TAWAFIQ

Advertisement

Ku Xayeysiiso