Isbedel Baanu Rabnaa

Isbedel baanu rabnaa 

Guud ahaanba dalka gudihiisa waxaa laga dareemayaa hadal haynta iyo falanqaynta taageerayaasha kala duwan ee axsaabtu kukala taageerayaan xisbiyadooda .

Taageeridaa bulushadu xisbiyada ku kala taageerayaan  maaha mid ku dhisan mabda ama taageero dhaba oo ay xisbi xisbiyadaa ka mid ah ay ku taageeraan haday tahay , qorshaha xisbigaa uga dajisan waxqabadkooda  ( shacabka) ee mustaqbalka dhaw ku wajahan , walow haday jirtana , la helayo inyaroo faro ku tirisa .

Se nasiibdaro taageerida shacabku ku kala taageerayaan xisbiyada waa mid ku dhisan qabyaalad , laaluush , soryayn maalina  iyo dano gaara oo kale oo taageerayashaasi ay ka dhex arkeen xisbigaa oo maalma .

Taasoo meesha ka saartay inay shacabkeena badankiisu taageeridooda ay ku saleeyaan inay taageeraan musharaxii ay u arkaan inuu yahay kii noloshan kasaari lahaa ay ku noolyihiin

Muwaadiin maanta qabyaaladi yaanay inaqaadin aynu ka fikirno mustaqbalkeena ,danaheena , aynu doorano murashixii dadkan iyo dalkan meel gaadhsiinkara inagoo wada jirna  .

Qabyaaladi meel ina gaadhsiin mayso , oo qabyaalad waa aynu soo aragnay waxay tahay , waata maanta inagu noolaysiisay saxarahan qalalan ee biyo iyo baadkuba gobaabsiga ku yahay wax kale dhaafo  , wataa inagu noolaysiisay caafimaad darada in badan oo,mujtamaceena ka midi ay bukaan socod yihiin .

Muwaadin waxba kaama galin murashaxa inaadeerkaaya , waxba kama galin murashaxa adeerkaya ee ku dhaw midkastaaba maalinta uu xilka qabto ayaa kugu danbaynaysa dabadeed tikniko hubaysan ayuu kugu dhaafdhaafi , waydhacday oo horeba waynu u aragnay

Maanta waa jaaniskeenii , maanta waa maalintaynu ka adagnahay midkastoo inuu ina hogaamiyo doonaya , maanta yaynaan iska dayicin fursadaa ee aynu doorano kii mustaqbal iftiimaya , rajo leh u horseedayaa bulushadeenan.

Aynu doorano murashaxan aqoonta iyo ilbaxnimada leh ( faysal ali ) waa qarnigii qalinka lagu guurayay ee aynu qalinka meeshaynu doonayno ku gaadhi lahayn .

 maaha waqtigii aynu doorashadeena ku salayn lahayn waa mujaahid iyo qabqable dagaal .

mahaa sidoo kale Waqtigii aynu hayaankeena mudada dheer inosoo socday aynu  dib ugu celino xagaynu ku dhawaad 30 sanno aynu kasoo sukaynay .

 hunguri iyo qiiro qabyaladaysan yaanay ina qaadin ee mustaqbalkeena dhaw aynu ka talino , xisbiga wadani siyaasadiisu ma dhawa , hadii aynu ka fiirsan waynana aynu ogaano inaynu gacanteena isku sadqaynay.

Mohamed abdirahmaan ( dhumiye)

Advertisement

Ku Xayeysiiso