Gudaha Ka Eeg :Shirkaddda Dhismaha Al Baraka Oo Casho-Sharaf Ku Maamuusay Xubno Muhiima Oo Booqasho Ku Jooga Dalka .

Shirkadda Dhismaha Al Baraka ayaa casho-sharaf ku maamuustay Mr Khayre C.raxman  Cismana Raage Iyo Aabihii Saaxibkii Mr Mett .

Waxaana Casho-sharaftaasi ka soo qeyb-galay Gudoomiyaha Shirkadda Eng Cali Aw Cumar, Madax-dhaqameed iyo Wax-garad kale .

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Mulkiilaha Shirkadda Dhismaha Al Baraka Eng Cali Cumar, waxaanu u mahad-naqay dhamaan marti-sharaftii ka soo qeyb-gashay, isagoo si gaar ah ugu mahad-naqay labada xubnood ee casho-sharaftan lagu maamuusay ee Mr Khayre Iyo Mr Mett .

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay, mahad-naq-na ka jeediyay Mr Khayre Iyo Mr Mett, oo Mulkiilaha Shirkadaasi uga mahad-celiyay, sida maamuuska leh ee uu u casuumay, casho-sharaftana ugu sameeyay .

Gudoomiyaha Guddida Sahan-Barwaaqo Eng Maxamuud Muuse Gooni oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay xubnaha la casuumay, una mahad-naqay Shirkadda DHismaha Al Baraka .

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay Xubno isugu jiray madax-dhaqameed iyo wax-garad kale oo dhamaantood u mahad-naqay Shirkadda Dhismaha Al Baraka .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso