Xisbiga KULMIYE oo Soo Dhaweeyey Dallada iyo Aqoonyahanka MURUQ iyo MASKAX

Hargeysa(ToggaHerer)-Xisbiga midnimada iyo horumarka ee KULMIYE, ayaa si rasmi ah usoo dhaweeyey dallada dhallinyarada aqoonyahanka ahi ku bahoobeen ee Muruq iyo Maskax oo dhisan gobolka Maroodi-jeex.
Munaasibad si ballaadhan loo agaasimay oo uu xisbiga KULMIYE kusoo dhaweynayey bahweynta dhallinyarada iyo aqoonyahanka ah ee ku midowday Muruq iyo Maskax, ayaa maanta lagu qabtay hutel Guuleed ee magaalada Hargeysa, waxana ka qaybgalay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, saraakiil sarsare oo xisbiga katirsan haween, dhallnyaro, aqoonyahan iyo hoggaanka dallada Murug iyo maskax ee lasoo dhaweynayey.
Ugu horrayn xubno firfircoon oo kamid ah dallada dhallinyarada aqoonyahanka ah ee Muruq iyo Maskax oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday asbaabaha ku keenay inay KULMIYE kusoo biiraan, waxana ay shaaciyeen inay la dhaceen hannaanka hoggaamineed ee xisbiga, isla markaana dallad ahaan isla qaateen in xisbiga kaliya ee ay dhismihiisa ka qayb qaadan karaan uu yahay KULMIYE.
Xubno siyaasiyiin iyo aqoonyahan isugu jira oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey dallada dhallinyarada ee Muruq iyo Maskax, waxana ay sheegeen inay dhinacooda ka galaan dedaalka uu xisbigu ugu jiro inuu talada dalka ku haaneedo, islamarkaana qayb ka noqdaan halgan ay ku jiraan dhammaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE.
Marwo Samsam Maxamed Cige oo kamid ah xisbiga KULMIYE, ayaa iyaduna soo dhaweysay dallada Muruq iyo Maskax ee xisbiga kusoo biirtay, waxana ay ku dheeraaday hogo-tusaalayn xeeldheer oo ay ku sharraxday doorkii ay dhallinyaradu kasoo qaadatay halgankii lasoo galay iyo horumarka ay Somaliland xilligan marayso.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey cududa taageerayaasha dhallinyarada ee Muruq iyo Maskax, waxana uu sheegay inuu xisbiga KULMIYE leeyahay ruug-caddaa siyaasi ah oo waayo aragnimadu wehel u tahay, kaas oo horseed u noqday in horumar ballaadhan dalku ku tallaabsado, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xisbiga KULMIYE waxa uu hore usoo bandhigay Barnaamij siyaasadeed oo ay xukuumadda maanta talada haysaa raacday, kaas oo dalka lagu soo hoggaamiyey, sida uu maanta KULMIYE midka cusub usoo bandhigayba Barnaamij aqoon badan lagu dhisay, KULMIYE-na waxa uu xisbiyada dheer yahay ugu horrayn waxa uu leeyahay Siyaasi muddo konton sano ah siyaasadda kusoo jirey oo halgan dheer kusoo jirey, waxa kale oo uu leeyahay dad dhallinyaro, aqoonyahan iyo waayeelba leh oo Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan ka kooban oo ujeeddadoodu tahay qaranimada iyo midnimada Somaliland in la ilaaliyo.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso