Xaalad degdeg ah oo Dalka Malawi Lagaga Dhawaaqay sababtoo ah Dad Qalo iyo Dhiig Cabyo Ka dilaacay!!

Masuuliyiinta Malawi ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah koonfurta dalka laga bilaabo 5-da galabnimo ilaa 7-da subaxnimo si looga hortago dad ka soo jeeda mid ka mid ah qabaa`ilka oo lagu eedeeyay in ay dad rayid ah dileen si ay u cabbaan dhiig bini’aadamka.

Shan qof ayaa la dilay tan iyo badhtamihii bishii hore oo ay geysteen Qolada Dhiiga Cabtaa sida ay sheegeen qoysaska dhibanayaashu.

Qaramada Midoobay ayaa go’aansatay in ay shaqaalaheeda ka soo daad gureyso laba goobood oo ku yaal koonfurta Malawi kaddib war-saxaafadeedka.

Warbixin ku saabsan xaaladda ammaanka Waaxda Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa qeexday in degmooyinka Fallumbi iyo Mulangi ay si aad ah u saameeyeen sheekooyinka “dhiigga nuugista iyo suurtagalnimada Dad Qalatadu”.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in xaaladdu ay aad u halis badan tahay gaar ahaan marka ay dadku hadda xannibayaan jidadka dadweynaha si ay ula socdaan Dad Qalatada taas oo khatar ku ah xaaladda amniga ee gobolka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso