Tacsi uu dirayo Xisbul Xaakimka Kulmiye Geerida Marxuum Muxumed Cabdillaahi Shiraaqle

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE
11 Oct. 2017
TACSI GUDDOOMIYE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Muxumed Cabdillaahi Shiraaqle oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 11/10/2017.

Marxuum Muxumed Cabdillaahi Shiraaqle waxa uu ka mid ahaa odayaashii waawaynaa ee magaalada Hargeysa, kana soo qaybqaatay hawlihii dib-u-dhiska, nabadaynta iyo horumarinta dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso