Panama oo ku dhawaaqday fasax dadweyne ka dib markii ay u qalantay in ay ka qayb gasho Koobka Adduunka ee FIFA

Madaxwaynaha Panama ayaa ku dhawaaqay fasax rasmi ah oo qaran ka dib markii uu dalkiisa ka qaybgalka Koobka Adduunka markii ugu horeysay taariikhdiisa.

“Codka dadka waa maqlay berri waxay noqon doonaa fasax dadweyne,” ayuu madaxweyne Juan Carlos Varela ku sheegay Twitter.

Kooxda Panama ayaa 2-1 ku garaacday Costa Rica ciyaartii ka dhacday Panama City habeenkii sabtida.
Madaxwaynaha ayaa sheegay in shaqaalaha dawladda iyo kuwa gaarka ay ka maqnaan doonaan shaqada halka dugsiyaduna yihiin qaar iyana fasax ah.

Madaxweynaha ayaa daabacay sawir isaga oo saxiixaya qaraarkii madaxweynaha ee fasaxa qaran.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso