Maxkamad Ciraaq ah oo soo saartay amar lagu soo xidhayo gudidii Aftida Kurdistan!!!

Maxkamad ku taal Ciraaq ayaa soo saartay amar lagu soo xidhaayo Gudoomiyaha iyo xubnaha komishanka ee aftidii codbixinta gobalka Kurdistan ee dhacday 25-kii September sida uu sheegay Golaha Sare ee Garsoorka.

“Maxkamadu waxay soo saartay amarro ku saabsan Gudoomiyaha iyo xubno ka tirsan guddiga kormeerka aftida gobolka Kurdistan ina la soo qabto ka dib ashkato ay soo gudbiyeen Golaha Ammaanka Qaranka,” ayuu yidhi Garsoore Abdul Sattar al-Birkdar oo ah afhayeenka Golaha Garsoorka Sare.

Dhinaceeda Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ciraaq ayaa ku dhawaaqday in ay soo gudbisay warqad rasmi ah dalalka Iran iyo Turkey oo ay ku dalbadeen in la xidho marinada labada dal iyo in la joojiyo xidhiidhka ganacsiga ee gobolka Kurdistan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso