Madaxweynaha Turkmenistan oo Putin U Hadiyeeyey Ey loogu Magac Daray Saaxiib Daacad ah.!!!!

Madaxwaynaha Turkmenistan Gurbanguly Berdymukhamedov ayaa u hambalyeeyey madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin Dhalashadiisa 65-aad, wuxuuna u hadiyeey Ey Nooc Khaas ah sitana magac.

Putin ayaa u dabaaldegay sanadkiisii 65aad Sabtidii hore magaalada Sochi ee Badda Madaw isagoo kaga gudoomay hambalyadii uu ka helay saraakiisha Ruushka ,muwaadiniinta caadiga ah iyo sidoo kale hoggaamiyayaasha caalamka oo uu ku jiro madaxweynaha Turkmenistan Kurban Said Berdy Mammadov oo si diirran ugu hambalyeeyay dhigiisa Ruushka isaga oo u hadiyeey Ey nooca “Ebay” oo magaciisu yahay Verney yacnii Mukhlis.

“Waxaan leenahay hal saaxiib oo caadi ah saaxiibka kaliya ee aduunka waa eyga – Ebay, maantana waxaan kuu keenay alpaya yar,” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Turkmenistan ayaa u sheegay dhiggiisa Ruushka in uu ugu yeedhay magaca Eyga (Verne), Mukhlis ama Daacad.

Waxay u soo kaxeeyeen hoolka halkaas oo hoggaamiyayaashu ku kulmeen madaxweynuhuna wuxuu gacanta ku soo Qaaday Isaga oo gacanta u geliyey una dhiibay Putin.

Sida la Sheego madaxweynaha Ruushku ayaa ah mid Jecel Eyda sidaas darteed hoggaamiyeyaasha Addunka ayaa Putin u soo hadiyeeya Eyda dhifta ah.

Sannadkii 2010 Ra’iisal Wasaaraha Bulgaria Boyko Borissov ayaa u keenay Putin Ey uu u Hadiyeeyay adhi jir reer Bulgaria ah Eygaas oo lagu Magacaabo Buffy, sannadkii 2012-kii madaxa Akita-yada ee Japan ayaa siiyey Putin Ey Noociisu yahay Akita Ainu magaciisana lagu sheegay Riyo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso