Daawo Fiidyaw : Qarax telefoon iPhone cusub!!!

Waxa Baraha Internet-ka la soo dhigay Muuqaal muujinaya qaraxa telefoon-ka iPhone 6 Plus halka nin Chinese ahi isku dayey inuu ku hagaajiyo dukaan ku yaala bariga Shiinaha.

Fiidiyowga waxa ka soo muuqanaya farsamo yaqaan Shiine ah oo isku dayaya inuu furo taleefanka ka hor inta uusan qarxin waxaana ka dhashay qaraxii dab kaasoo keenay qiiq weyn Ninka waxa dhib ahi may soo gaadhin se markiiba gacantiisa ayuu telefoonkii ka tuuray.

Telefoonka ayaa waxa lahaa haweenay magaceedu yahay Wang oo sheegtay inay ka soo iibsatay Maraykanka se markii telefoonkeedu uu yeeshay kululay iyo in uu si dhakhso ah u lumiyo dabka ayay u keentay dukaanka dayactirka telefoonka ee bariga Shiinaha ku yaala si uu eego Cilada.

Telefoonka ayaa qarxay markii shaqaaluhu isku dayay inuu ka furo daboolkiisa Sababta qaraxa lama oga halka shirkada Apple ay furtay baadhitaan ku saabsan dhacdada.

Baadhitaanadii hore ee dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa muujiyay in sababta ay ahayd xidhiidhka daraf sadexaad oon haysan ogolaansho iyo dayac-tir aan la fasixin ama waxyeelo dibadda ka soo gaadhay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso