Guurka Wiil Dhalinyaro Reer Marocco ah iyo Habar Reer France ah oo Dood ka dhaliyey Baraha Bulshada!!!

Baraha Bulshada ayaa Maalintii Shalay lagu Faafiyey guurka Wiil Da`yar oo reer Morocco iyo Haweenay Da`ah oo Faransiis ah Guurkan ayaa ka dhacay Deegaan ka mid ah Faransiiska.

Cajalkan oo la Qaaday Jimcihii Wuxuu Muujinaya nin dhallinyaro ah oo gacantiisa ku haya Xaaskiisa oo Xidhan dharka arooska Haweenaydana ay ku adag tahay ka degitaanka jaranjarada sababtoo ah mashaakil xaga Da`da oo aanay Cagaha ka dhaqaaqi karayn waxa la jooga koox Moroccans ah oo iyagu u hambalyeeynaya iyagoo ku heesaya heeso Diiran oo Moroccan ah.

Dhaqdhaqaaqayaasha Moroccan ee bogagga internetka ayaa muujiyay inay la yaabeen sababaha ninkan dhalinyarada ahi u guursaday mid ka mid ah da’da ayeeydii.

Waxaana jiray sharraxaad badan oo ku saabsan tan sida qaar ka mid ahi ay sheegeen in uu ahaa nin doonaya in uu helo waraaqaha degenaanshaha ee Faransiiska taasoo ku kaliftay guurka, halka kuwo kale ay qabaan jacayl inuu keenay iyaga oo ku sababaynaya jacaylku aanu aqoonsanayn farqiga da’da, laakiin faallooyinka qaar ayaa leh ninkan dhallinyarada ahi guurka Haweenaydan Da`da ah uu yahay damac marka ay dhimato in uu dhaxlkeeda helo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso