Xuquuqda Dawlad Gobleed Yada Iyo Dawlada Dhexe Ee Fadaraalka Sharcigaa Qeexay

Soomaaliya waxaa ka jirta dawlad fadaraal ah.waxaana hogaaminaya hada madaxwayne shacabka soomaaliyeed dalka gudihiisa iyo dibadiisa ay ku qabaan kalsooni buuxda.waxay shacabka soomaaliyeed ka soo kabanayaan dagaaladii sokeeye iyo dagaal oogayaashii qab qablayaasha ahaa oo shacabka soomaaliyeed isku dilayay iyagoo dan shaqsiyeed iyo dawlado shisheeye u adeegaayay.Maanta shacabkii soomaaliyeed waxay heleen hogaamiye isku kalsoon,oo daacad u ah dalka diinta iyo dadka soomaaliyeed.Waxay heleen Raysal wasaare lamid ah iyo xukuumad lamid ah iyo baarlamaan ah laba aqal oo kala ah golaha shacabka iyo aqalka sare oo in yar mooyee intooda badan u taagan sida madax waynaha iyo golaha xukuumada diifaca diinta dadka iyo dalka soomaaliyeed.

Markii Allaah kusiiyo nicmadiisa waa lagu shukriyaa,maanta soomaaliya tubtoosan bay haysaa iyo wadadii nabada iyo nolasha iyo dawlad nimada.Dawlada soomaaliya ee hada jirta waa mid si buuxda caalamku uugu soo jeedo oo rasmi ah.waxaana laga saacidayaa dhanka dhisida ciidamada xooga dalka soomaaliyeed oo Turki u xil saaran yahay.wadamada caalamka badan koodu dhaqaale ayay diyaar la yihiin qaarna hada bixiyeen dalka soomaaliya dib u dhis loogu talagalay oo malaayiin ah.dawlada soomaaliya dadkeeduna waa jecelyihiin aduunkuna wuu aaminay daacadnimadooda iyo aaminimadooda cad ee ka muuqata.waana sidii dawlad lagu arki jiray.

 XUQUUQDA SHAQO IYO MASUULIYADEED EE DAWLADA FADARAALKA AH

Dawalda soomaaliya ee fadaraalka ah waxay masuulkatahay dadka iyo dalka soomaaliyeed qofkasta tuulo,dagmo,gobol,walba oo kamid ah dalkeena.dawlada fadaraalka ee soomaaliyeed waa mid qudha oo leh hal madaxwayne hal raysal wasaare iyo hal baarlamaan.waa hal dawlad oo ah dawlad soomaaliyeed leh hal calan leh hal luuqad leh hal af kuna midaysan hal dawlad oo kaliya oo ah dawlada jamhuuriyada fadaraalka soomaaliyeed. dawlada soomaaliyeed ee fadaraalka ahi waxay xaq uuleedahay arimaha soosocda oo ah waa jib saaran dawlada.

1.In wixii heshiis siyaasadeed ee dawladaha caalamka lagula heshiinayo ama lagu diidayo goo aan kaas ay leedahay dawlada fadaraalku.

2.In wixii khayraad ah ee dalku leeyahay ay masuulkatahay bad iyo bari waxa dusha saaran iyo waxa hoosta jiifa intaba.

3.Amaanka xuduudaha bada,bariga,iyo cirkaba dhulka jamhuuriyada fadaraalka ah ee soomaaliyeed dawlada masuulka ah.

4.Amaan daro dalka kasoo wajahda dibada iyo mid ay wadaan muwaadiniin ah siyaasiyiin kicinaya shacabka oo abuuraya arimo amaanka dalka wax u dhimaya oo gudaha ah waxaa ka hortagaya oo qabanaya masuulna ka ah dawlada fadaraalka ee soomaaliya.

5.Urur iyo koox mid diineed iyo mid siyaasadeed tuulo iyo dagmo iyo gobol dalka kamid ah kuma qaban karaan shir aan dawladu ka warqabin oo aysan ogolaan sida caalamka oo dhan kajirta ee ah hanaanka dawladnimo.

 BADHA SAABYADII DALKEENA OO UGU YEERITAANKII MAGACA MADAXWYNE UU JAR KATUURAY FAHMINA MACNAHA FADARAALKABA.

Dawlada soomaaliyeed ee fadaraalka ahi waxay mawqif ka qaadatay khilaaf soo dhexgalay laba dal oo dawlada soomaaliyeed saaxiib la ahaa oo xiriir kawada dhexeeyay.Khilaafkaa dawladaha aduunku waxay noqdeen 4 nooc oo kala ah sidan hoos ku qoran.

1.Dawlado raacay sucuudiga oo ay ku qabaan markaa maslaxad ugaara iyo dano is xulufaysi ah kuwaaso u haya waang waxa uu siinayo.

2.Dawlado raacay Qadar oo ku haysta wax cad iyo dano waawayn oo aysan uba raakicikarin cidkale qadar mooyee

3.Dawlado dhex dhexaad ah oo aan labada dawladoodba ku haysan dano waawayn oo gaara iyo maalgashi lagu sameeyay iyo taakulo xulufaysi midna sidaa daraadeed meeshaba aysan ka muuqan sabab kalifaysa in mid la raaco midna la diido.iyo iyagoo fahan san xirgiftan walaalaha u dhaxaysaa in aysan sii ridnayn aayaha dhawna la heshiinayo markaa ay godob tahay in mid la raaco iyo eex midka kale laga galayo dad muslimiin ah oo kuu siman.

4.Dawlado awalba aan xiriir fiican lalahayn labada dalba oo arintan sidaa aan u sii qiimayn oo isaga aamusay guud ahaanba.

Hadaba dawlada soomaaliyeed oo xaq dastuuri ah oo sharci ah u leh in ay go aan ka qaadato arimaha siyaasada dibada sida dawladaha dhigeeda ah ayaa gaartay go aan ah dhexdhexaad.shacabkii soomaaliyeedna waa u riyaaqeen qodobkaas oo ah mid dawlada soomaaliyeed ay asiibtay oo ah kan uugu fiicanaa diiniyana sax ah dhan walba. dhanka kale xataa hadii ay midka uugu liita dawlada soomaaliyeed gaari lahayd xaq bay u lahaayeen oo waa go aan dawladeed.

Dawladihii qaatay go aanada kala duwan oo qaarkood fadaraal yihiin waliba sida soomaaliya qaatay go aan dhex dhexaadnimo ah lama hayo badha saabyo gobolo xukuma oo ku tumanaya go aankii dawladooda!! waliba kicinaya arimihii amaanka dalka oo iska horkeenaya shacabkii iyo dawladii al yacni kicin dadwayne.lama arag maamulo goboleedyo feer ordaya dawladoodii oo dawladihii shisheeye inta u tagaan ee is hayay qayb kamid ah la horfariistay go aanka dawladayadu waxba kama jiraan waana khalad ee angoo ah madaxwaynayaalkii gobolada noocaas ah sida puntland galmudug iyo koonfurgalbeed waxaan la jiraa sacuudiga iyo xulafadiisa mana raacsanin Qadar dhex dhexaadna lama qabno nin 40km oo MOGDISHO ah fadhiya!!. sidaa si lamid ah muwaadiniin dalkoodii iyo dawladoodii uuga warsheekoonaya lama arag oo aan ka ahayn soomaaliya.

Badha saabyadu waxay u fahan sanyihiin dawladnimada fadaraalka ahi inay tahay in nin waliba gobolada uu hada maamulo sida puntland,jubaland,galmudug,koonfur galbeed in uu xaq u leeyahay in dalkuu doono isagoo madax wayne ah heshiis la gali karo,in madax waynaha dawlada dhexe ee fadaraalka ah ee MOGDISHO fadhiyaa ay ka awood badan yihiin amarna siin karaan oo wax aysan iyagu doonayn uu san samayn karin haduu sameeyo go aan aysan ayagu raali ka ahayna ay isugu tagaan oo meeshaba ka tuuraan gabi giisaba. waxay rabaan dhaqaalaha iyo ciidamada iyo siyaasadii dibada intaba in iyaga looga danbeeyo!! hada waa badha saab fadaraaloow xaal qaado.

Badhasaabyada madaxwanayaasha lagu sheegay ee jarta ka dhacay waxay u haystaan fadaraalku in uu yahay meeshaydan anay ii xiran tahay madaxweyne anaa ka ah wax aanan doonaynin cid goboladan kasamayn kartaa majirto.macnaha isagaaba ah dawlad buuxda markaa waxayna is waydiinin markaa maxaan ka rabnaaba madaxwayne iyo dawlad dhexe? ileen dawlad baad tahay buuxdee!! Waxaysan garanayn in dawlada dhexe ee fadaraalku masuul katahay inay isugu yeerto maamul goboleedyada si kali kali ah iyo si guud ahaanba oo aysan cid kale shirinkarin xilkaana lahayn.maamul goboleedyadu waxay xaq u leeyihiin oo kaliya wixii sharci iyo nidaam ah ee dalka u dagsan ee ay ku maamusho dawladaa dhexe oo masuulka ka ah iyaga amaankooda iyo dhaqaalahooda iyo siyaasadooda intaba sharciyan.

Gobolada dalku waxay xubno ku leeyihiin madaxda dawlada waxay xubno ku leeyihiin labada aqal laakiin waxay matalayaan shacabka iyo dalka soomaaliya guud ahaantiiba.waxay matalaan deeganadii aykasoo jeedeen.Laakiin Badha saabyada ismoodaya madaxweyayaal oo magucu khalday maba arkaan xubnihii dagaanadooda laga soo doortay qiimana uuguma fadhiyaan maxaayeelay madaxwayne dawlad haysta ayuu isu argaa badha saabku!! madaxwaynaha labada gole xukuumada intaba ma aamin sana.sidaasi ma fadaraalbaa?

SHARCIGA HORTIISA IYO DANBIYADA AY FARAHA KULA JIRAAN BADHA SAABYADU.

1.KHiyaano qaran oo ah sirtii qaranka soomaaliyeed oo ay si cad dawlado shisheeye kula shirkoobeen

2.Turjumid khaldan oo ay ka bixiyeen macnaha iyo siyaasada dawlada fadaraalka ah iyagoo shacabkii ugu micneeyay in fadaraalku yahay in gobolada uu kataliyo oo ah maamul goboleedka wax uu san isagu ogayn aysan dawlada dhexe gaarikarin,in dawladii ay dani uugu jirto u tagaan oo heshiisyo la galaan dawlada fadaraalka ahi haday ka hadashana macnaheedu yahay in ay goboladan curyaaminayso oo necebtahay.dawlada dhexe waxba inagama galin hadaysan sidaan doonayno raacin.

3.Abaabul iyo kicn dadwayne oo wax u dhimaysa xasiloonida iyo amaanka gudaha dalka soomaaliyeed

4.Been abuur cad oo dawlada dhexe suuqo loo mariyay ah inay la safatay oo ay raacday QADAR iyadoo dawlada soomaaliyeed si cad u sheegtay ina qaadatay go aanka dhex dhexaadnimada umuurihii ku saabsanaa SUCUUDIYA IYO QADAR tanoo loo hayo madaxwayne maamul goboleed oo taleefishinada iyo saaxafada dal iyo dibadba sidaa kaga waramaya kubeen abuurasho dawlada fadaraalka soomaaliyeed.

5.SHir siyaasadeed oo ka dhan ah jiritaanka dawladnimada soomaaliyeed lagu curyaaminayo iyadoo salka lagu hayo dawlado shisheeye.

6.Qabasho shir lagu kulan siinayo maamul goboleed yada dalka ee hoos yimaada xukuntana dawlada dhexe ee fadaraalka soomaaliyeed la qabtay iyadoon loo haysan wax ogolaasho sharciyeed ah oo dawli ah dawladii iyaga masuulka ka ahaydna la baalmaray.

7.Ku tagri falid sharuucdii dalka iyo khalkhal galin shacabkii gobolada ku wada noolaa xasiloonidoodii  taasoo ay irdho hada kala galiyeen iyo abaabulid dagaalo qabqablayaal soomaaliya ka soo gudubtay.

8.Kala qoqobid shacabka soomaaliyeed ee dawldooda jecel ee dalka iyo dibadaba ku nool oo ay isku dayayaan inay kala dhex galaan dawladooda iyo iyga oo dilaalaan.

9. Kahor imaansho dawlad soomaaliyeed oo xoog leh oo soo celisa karaamadii iyo kala danbayntii iyo dawlad nimadii soomaaliyeed ee sugaysay amaanka guud ahaan dalka soomaaliyeed iyagoo doonaya inaysan dhalan marnaba.

10.Arimihii dawlada dhexe ee soomaaliyeed ee fadaraalka ahi lahayd oo dhan oo ay hamiyeen inay la wareegaan taasoo aysan xaq u lahayn sharcina ahayn.

SHAQADA BOOLIISKA IYO NABAD SUGIDA IYO MAXKAMDA QARANKA

Booliiska iyo nabad sugida fadaraalka waxaa taagan shaqadoodii ay u hayaan uguna dhaarteen difaaca diinta iyo dalka iyo dadka soomaaliyeed iyo xasilinta amaanka dalka.Boolisku waxa uu xaq uleeyahay in uu soo qabto shaqsi kasta oo muwaadin ah mid darajo leh iyo mid aan lahaynba oo dalka ka gala danbi.Lama oranaayo waa masuul iyo waa wasiir iyo waa madax wayne midna waayo sharcigaa ka sareeya nin walba.qodobadaa kor ku xusan iyo kuwo aan loo baah nayn in aan halkaan ku soo bandhigaba ee dalka laga galay,waa inay soo joojiyaan maxkamad? waa looga fadhiyaa Booliiska arinkaan.

Nabad sugidu waa ka badalan tahay Booliiska waxaa laga rabaa ninkii ah wasiir,xil dhibaan,badha saab yadan loogu yeero madaxwayne iyo cidkastoo darajo dalka ka haysa in ay la socdaan dhaq dhaqaaqooqda ayadoo la ga feejignaanayo cadawga gudaha ah ee kugu dhex jira oo wax u dhimaya xasiloonida dalkeena.Nabadsugidu waa ilaaliyaha nabada dalka gude iyo dibadba.Gaar ahaan arimaha siyaasada ayay u dhuun daloolaan dan kamalaha xadiyo calasoow 1000 doolar ka xaday taa Booliiska leh.Sidaa daraadeed masuulkii ku milan shisheeye xaq bay u leeyihiin nabad sugidu inay xafiiskiisa gurigiisa meel muqaayad ah oo fa dhiyo intaba ka ka xaystaan cid ka hadli kartaana majirto waayo waa arimo Nabad sugid. madaxwayne iyo raysal wasaare iyo baarlamaan midna ma fara galin karo iyaguna dabcan meel cidla ah nina kama qabsanayaan.

Waa meesha ka maqan shaqadii Booliiska iyo Nabad sugida gaar ahaan tii Nabad sugida waayo wali mahayno siyaasiyiin lala kacay. waana wada aragnaa inay arimo aan loo dirsan faraha kula jiraan oo ah khiyaano qaran.Caalamka nin nabad sugid qabsatay yaa ka daba tagi kara? maxaa ku dhacay nabad sugideenii? waxaan qabaa in laga qaado xilka taliyaha nabad sugida haduusan wax ka qaban madaxda.Taliyaheena nabad sugida kalsooni baan ku qabnaa waana geesi nin adagna ah abaal baan u haynaa hadaanaha shacabka soomaaliyeed waana nin wadani ah sidaa ha loo fahmo waxaan ku dhaliilayaana waa u isticmaal awoodaada sharcigu kusiiyay madaxda dalkeena burburinaysa waa intaa.waa ku diir sanay boliiska iyo nabad sugidu siday amaanka MOGDISHO u xasiliyeen.

Soomaalidu waxay iska ilaaween in sharci jiro oo xabsi jiro.BADHASAABKA AMA SIDA LAGU SHEEGO MADAX XAAF oo la cayriyay fadhi maamulkiisu yeeshay kadib ayaa hada tiifiyada ka hadlaya oo leh khatar baan galoo booliis iyo nabad sugid ayaa rabay inay i qabtaan hada u fiirso khalad buu u arkaa arintaa ee uma arko in dalku sharci leeyahay booliis leeyahay nabad sugid leeyahay oo la qabankaro.arintii baa madixiisa ka wayn!! waayo 30 sanadood ma uu san arag sharci iyo maxkamad iyo danbi midna. wuxuusan is waydiin mudane xaaf hadii aysan booliiska iyo nabad sugidu adiga iyo kuwa kale oo dhigaaga ahba soo qaban karayn maxaa dalkeenu uuga baahan yahayba oo loo sameeyay? booliiska iyo nabad sugidu ma inay inoo heesaan ayaan u samaysanay? mise waxaad u haysataa in shaqadoodu tahay in masaakiinta uun ay qabtaan oo xiraan madaxdana lama taab taan? sidaa maha sharciga hortiisa waa loo siman yahay madax iyo minjo.

 Gunaanad

Maamul goboleed yadu khalad ayay ka fahmeen fadaraalka,dadkii soomaaliyeedna waxay ka dhigeen shacab u kala qoqoban qabiil cad oo lagu dahaaray fadaraal been ah oo aan aduunkaba ka jirin oo ah aniga iyo reerkayga maxaan dhacaa,maxaan cunaa,maxaan siraa.waxay isu haysataan inay iyagu yihiin dawladii dhexe kuwii xukumay iyagaaba ka sareeya oo amraya!! badha saabyo ka akhlaaq xun waligeen inama soomarin kuwakan! waxay qaateen wixii dawlada dhexe xaqa u lahayd oo dhan.waxayna isu bahaysteen in laga hor tago in dawladani shaqayso,waxayna salka ku hayaan dawlado dagaalku haya Turkiga oo dagay soomaaliya una dhisaya dawlada uugu awooda badan afrika oo dhan.soomaaliya oo markaa noqonaysa afrika iyo carab halka laga go aamiyo arimahooda.dadkii laba ayaa loo kala baxay waa dawlad doon iyo dawlad diid.badha saabyadu ma doonayaan in soomaalidu sinaato qabiil bay salka ku hayaan waxayna rabaan inay kala fadilaan beelaha soomaaliyeed waana dhiib miirato dhab ah.dawladaa cadaalada ah oo ina simaysa inooma ogola soomaaliyeey.

Yuusuf Omar

Advertisement

Ku Xayeysiiso