Xukuumada Somaliland ha cadayso habka iyo sida Madaarka Berbera loogu wareejiyey dawlada Imaaraatka Carabta!

Xukuumada Somaliland ha cadayso habka iyo sida Madaarka Berbera loogu wareejiyey dawlada Imaaraatka Carabta!

Ma ihi Muxaafid Guulewade ah oo Dawlada sax iyo khalad, gar iyo gardaroba ku taageera, mana ihi Mucaarid macangag ah oo wanaaga iyo waxqabadka dawlada laga indho saabay, mar walbana ku foogan buun-buuninta khaladaadka dawlada; waxaanse ahay muwaadin jecel horumarka dadkiisa iyo dalkiisa. Waxaan aad u soo dhoweyaa cid kasta (gaal iyo islaamba) oo maalgelin ku sameynaysa dalka ama mashaariic shaqo abuur ama kaalmo ah oo dadka waxtar u leh ku soo kordhisa dalka.

Markaan intaa hoos uga soo dego, waxa jirta in xukuumada Somaliland sheegtay in Madaarkii Berbera International Airport (IATA: BBO; ICAO: HCMI) oo mar ahaa garoonka ugu dheer Afrika, isla markaana ahaa goob loogu talogalay in uu xaaladaha degdega ah (emergency) ku soo degi karo waxa ay soomaalidu u taqaano dayac gacmeedku (space shuttle), in ay ku wareejisay dawlada Imaaraadka Carabta (Hawl yaraa wareejintu). Dawlada Somaliland wax faahfaahin ah kamay bixin habka iyo sida loo wareejiyey Madaarka, mana jiro heshiis qoran oo ku saabsan arinka Madaarka (kama hadlayo dekeda) oo Barlamaanka Somaliland la hor dhigay ama bulshada Somaliland loo soo bandhigay.

Hadaba, arinku markuu sidaa yahay, waxa laga hadlayaana uu yahay hanti ummadeed oo qaalli ah (strategic asset), waxa waajib ku ah muwaadin kasta oo Somalilander ah in uu ugu yaraan ogaado wejiga dhabta ah ee heshiiskaa lagu wareejiyey Madaarka (waa haddii heshiis qorani jiree). Aduunka aynu ku noolahay hadh iyo habeen waxa la isku wareejiyaa ama la kala iibsadaa garoomo diyaaradeed oo waaweyn oo qiimahoodu yahay balaayiin dollars. Hase yeeshee wax waliba way cad yihiin oo wax mad madow ahi kuma jiraan heshiisyadaa. Ma dhacdo in garoon diyaaradeed oo muhiim ah sida kan Berbera oo kale in sidii neef xoolo ah oo saylada la keenay, inay laba gacmood oo go` dusha lagaga dadey inay wax kala qaataan, ka bacdina salaan iyo kala taga iyo xisaabtan la`aan ay ku dhamaato (Boowe aa la tahay buu yidhi ninkii reer Bari!).

In kasta oo ay jiraan garoomo diyaaradeed oo dad ama shirkado gaar ahi leeyihiin (private airports), hadana garoomada diyaaradaha ee aduunka badankooda waxa iska leh dawladaha. Hadaba, marka garoon ay dawladu leedahay la iibinayo (sale), cid lagu wareejinayo maamulkiisa (management contract), si wada jir ah dawlad iyo shicib loo wada maamulayo ama lagu wada shaqaysanayo (public private partnership), waxa jira habab iyo heshiisyo caalami ah oo la raaco si loo ilaaliyo xuquuqda qaranimo ee dalka iyo ta ganacsi ee shirkadaha labadaba.

Sababo badan ayaa kalifa in dawladi iibiso ama ku wareejiso gacan kale (dawlad ama shirkad) garoon diyaaradeed oo ay leedahay isla markaana gacanta ku hayso. Inta badan garoomada ay dawladuhu leeyihiin waxa loo maamulaa sida xafiisyada iyo qaybaha kale ee dawlada loo maamulo (not for profit), taasina waxay keentaa in heerka adeega madaarka ay dawladuhu gacanta ku hayaan inuu inta badan ka hooseeyo heerka adeega ay bixiyaan garoomada ay shirladaha gaarka ahi gacanta ku hayaan, maadama shirkadaha gaarka ahi ay yihiin faa`iido doon isla markaana ay ku dedaalaan inay soo jiitaan shirkado diyaaradeed iyo rakaab labadaba. Hadaba, si kor loogu qaado adeega garoomada noocaas ah ee dawladuhu maamulaan, waxay dawladuhu ku wareejiyaan gacan shirkadeed oo khaas ah iib ahaan ama kiro ahaan. Madaarka Berbera muu ahayn madaar shaqaynayey muddooyinkii ugu dambeeyey, sidaa daraadeed ma jiro adeeg la wanaajiyey oo kalifay in Imaaraadka lagu wareejiyaa, markaa qodobkaasi halkaa ayuu ku hadhay.

Hase yeeshee, arinka ugu muhiimsan ee dawladi garoon diyaaradeed oo ay leedahay ku wareejisaa waa duruufo dhaqaale (financial crisis, budget deficit etc) oo la soo gudboonaada dawlada taas oo kalifta in dawladu iibiso garoonka lacagta iyo dakhliga ka soo xeroodana ay ku kabto misaaniyada, ku fuliso adeegyo bulsho oo daruuri ah (Public sector services) sida caafimaadka, waxbarashada, wadooyinka, ama ku kobciso dhaqaalaha dalka sida shaqo abuurid, hirgelinta mashaariic horumarineed iwm.

Marka dawladi hanti muhiim ah (airport) ay faasaxayso ee ay dakhligii ka soo baxayna dib u galinayso isla dalkii, uguna faaiideynayso bulshada waa arrin wanaagsan, waxase aad looga doodaa cida gacanta ku dhigaysa hantidaa muhiimka ahi inay tahay Strategy ahaan cid la isku halayn karo oo aan halis galin karin danaha dalka iyo dadka ay hantidiisa (Airport) maamulayso. Macnaha waa in aan cid berri cadow kuu noqon karta, ama danaha dalka iyo dadka ka hor iman karaysaa in aanay soo hawaysan hantidaada ma guurtada ah ee qiimaha leh (sida airportyada).

Hadaba qaybta labaad waxaan ku soo xardhi dhoonaa hababka loo iibiyo ama wareejiyo garoon diyaaradeed, cida laga iibiyo ama lagu wareejiyo, maxaa la is dhaafsadaa, yaa leh awooda iibineed, yaa xula cida wax laga iibinayo, maxaa lagu doortaa cida wax laga iibinayo iyo arrimo kale si aynu u ogaano bal in madaarka Berbera sifo waafaqsan nidaamyada caalamiga ah loo wareejiyey iyo in “dhexda lagu bireeyey”.

Tusan

Cabdikariim Cali Baarjeex

MSc Air transport planning and management

United Kingdom

abdikarim1979@hotmail.com

 

 

..

Advertisement

Ku Xayeysiiso