Laba Garamay Iyo Laba Gantamay Galadi Kama Dhaxayso Shirkii Burcona Gole Kaga Kac Ayuu Ahaa .

Masiirka Umadan iyo Doonistodu Maaha Mid Uu Dabar Ku Xidhi Karo Hadal Gudoomiye Qabiil Ka Yidhi Meel Fagaare Ah .

Aragtida Shacabku Qabaa Waa Mid Ku Salaysan Doonista Rajadooda Mustaqbal iyo Cida Ay Maantaba Arkayaan Ee Ay Ku Dooran Doonaan Fartooda .

Caaqil Walba Iyo Suldaan Walba Shan Qof Oo Caruurtiisa Kamid Ah Ayaa Xisbiga Uu Taageersan Yahay Maaha e Ka Kale Ee Kasoo hor Jeeda Taageersan .

Taasi Macneheedu Waaxay Noqonaysaa Inaan Hadalka Mid Kamida Madax Dhaqameedku Goob Fagaare ah Ka Yidhaahdaa inaanay Bedelayn Aragatida Kumanan Qoys Oo Mideeyay Masiirkooda Rabitaan .

Shir Burco Ka Dhacay Oo La Sheegay Inay Isu Yimaadeen Beelaha Bariga Burco Iyo Galbeedka Hargeisa Isla Markaasina Lagu Shaaciyay Inay Beesha Bariga Burco Dhisayso Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi .
Xaasha Taasi Maaha Mid Jirta Xaqiiqdana Ku Salaysan Anigaa Kuu Sheegaya .

Waxa Shir Isugu Yimi Bariga burco oo Isku Dhan Waxana Kulankaasi Lagaga Wada Hadlay Sidii Beesha Uu Maxamuud Xaashi Cabdi Hayb Ahaan Kasoo Jeedo Ay Gudoomiyaha Xisbiga Udoonan Lahayd Doorashada Ka Hor Kulankaasi Afkaartii Madax Dhaqameedku Isula Yimaadeen Waa La Isku Diiday Waana Lagu Kala Kacay .

Isla Habeenimadii xalay Ayaa Dib la Isugu Soo Noqday Waxana La Iskula Qaatay In Arintaasi Maadaama Oo Ay Wakhtigan Xisbiga Kulmiye Dhabar Jab Ku Tahay Doorashana Ay Kusoo Wajahan Tahay Inay Burbur Hor Leh Ku Keeni Karto Isla Markaasina Arintaasi Dib Loo Dhigo .

Suldaanka Beelaha Subeer Awal Oo Ka Dul Dhaqaaqi Waayay Beelaha Bariga Burco Oo Muusanaw Iyo Cabaatin Badan Halkaasi Kasoo Jeediyay ayaa Madax Dhaameedka Bariga Burco Go’aan Ku Gaadheen Inay Iska Dul Dhaqaajiyaan Isla Markaasina Bal Yidhaahdaan Kelmadaha Uu Doonayo Inuu Bulshada Somaliland La Tuso .

Loo Yidhi Oo La Daaway lana Maqal Balse Arintaasi Gole kaga Kac ayay ahayd Mana ahayn Mid Xaqiiqatan Run Laga Sheegayo Waxay Ahayd Afka Baarkiisa .

Balse Si Kastaba Arimuhu Ha Isugu Dhafnaadeene Sidaad Mooday Maaha War Jinaana Cakaaruu Iman .

Waa Inoo Iyo Maalinta Doorashada Hadii ALLE Yidhaahdo Iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cali [Cirro] Oo Madaxweyne Dalka Ka Ah .

Wa Bilaahi Tawfiiq
By Abdirahman Ismail Saylici

Advertisement

Ku Xayeysiiso