Laanta Mareykanka ee WADDANI oo Xaflad Sagootin ah u Sameysay Mas’uuliyiinta iyo Taageerayaal Dalka u Imanaaya Ka Qeyb-qaadashada Hawlaha Doorashada ee Xisbiga WADDANI

Hargeysa(ToggaHerer):-Xisbiga WADDANI laantiisa Mareykanka oo sameysay u diyaar garow xooggan oo ku aadan dhinaca Doorashada ka dhacaysa Somaliland iyo weli ba ka qeyb-qaadashada ololaha Doorashada ee la filaayo in uu dhawaan ka bilaabmo dalka, ayaa hormadii ugu ohorreysay ee ka qeyb-galaysa doorashada Somaliland u soo dirtay Somaliland.

Waxaana xaflad lagu ambabaxinaayey hormadan oo ka koobaneyd in ka badan toban ruux oo taageerayaal u ah Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ka qeyb-qaadan doona hawlaha Xisbiga WADDANI ee dalka gudahiisa ay xalay ka dhacay dalka Mareykanka, iyada oo halkaas ay goob-joog ka ahaayeen madaxda Laamaha Mareykanka iyo weli ba guddoomiyaha guud ee Waqooyiga Ameerika.

Xafladdan, ayaa mas’uuliyiintii iyo taageerayaashii u soo amabaxaayey dalka, waxa looggu soo guntay weedho iskugu jiray dardaaran iyo weli ba sida oo kale dhiiri-gelin ay uga dan lahaayeen siddii ay u sii dar-dar gelin lahaayeen hawlaha Xisbiga WADDANI iyada oo sida oo kale na ay kooxdani dalka ku sugnaan doonto illaa inta doorashadu ka dhacayso, waxaana xusid mudan in mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee Waqooyiga Ameerika ay imaan doonaan doorashada ka hor si ay uga qeyb-qaataan hawlaha Xisbiga iyo ololahiisa ba.

Advertisement

Ku Xayeysiiso