Kim Jong-un: Hubka nukliyarka Waa Gaashaan Adag  oo Damaanad Qaadaya madax-bannaanideena

Madaxa waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa sheegay in hubka nukliyeerka Pyongyang uu yahay mid xooggan oo ku aaddan madax-bannaanida waddanka.

 

Warbaahinta Waqooyiga Kuuriya ayaa ka soo xigatay Kim Jong-un oo ka hadlaayay fadhiga guddiga hoggaanka xisbiga talada haya  in hubka nukliyarka ee Waqooyiga Kuuriya uu yahay “xoog xooggan oo lagu ilaalinayo nabadda iyo ammaanka Gacanka Korea  iyo waqooyi Bari Aasiya iyo La dagaallanka khatarta nukliyeerka Maraykanka.

 

Hadalkan  ayaa imaanaya saacado ka dib markii madaxweynaha maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay “kaliya hal shay oo shaqeynaya” xidhiidhka dowladaha go’doonka ah. Trump ma sheegin sida uu ula jeedo laakiin qaar ka mid ah khubarada Maraykanka ayaa aaminsan in Trump uu ka fakarayo xal milatari arrimaha North Korea.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso