Fariin Qoraal Sibiq ku Baxday oo Kala Kaxaysay Lamaane Iyo Ninkii oo Laga Kaxaystay Carrurtii


Nin ayaa warqad Jeceyl u diray xaaskiisa halkii uga diri lahaa Gabadh ay wada socdeen Warqadaas oo keentay inuu waayo Ubadkiisii kadib markii maxkamad rafcaan oo ku taal Kuwait ay ka furtay Xaaskiisii sidoo kalena ku Xukuntay Nafqada Reerka Kirada Shaqaale iyo Darawal inuu siiyo Bil Kasta.

Ninkan ayaa warqad jeceyl u diray gabadha ay wada socdeen laakiin waxay ku luntay jidka fariintina waxay ku dhacday taleefanka xaaskiisa ka dib markii si qalad ah uu u doortay magaca xaaskiisa halkii uu ka dooran lahaa ka Gabadha kale.

Ninka ayaa isku dayay inuu raali geliyo xaaskiisa laakiin ma uusan ku guulaysan ka dib markii xaaskiisa ogaatay inuu u dirayay gabadh kale oo aan ahayn iyada, iyada oo ku sheegtay farriin samada ka timid dhamaystirtayna Xidhiidhkoodii.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Al Qbas” ee Kuwait ka soo baxa, xaasku waxay tagtay gurigi waalidkeeda iyada iyo labadeeda wiil ka dibna waxa la geeyay maxkamada waxayna ka furtay ninkii waxayna ku waajibisay inuu bixiyo biilka si bille ah kirada guriga iyo shaqaale iyo darawalka.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso