Wax ka ogow nidaamka Dimuquraaddiyada Xisbiyada badan ee Somaliland iyo sidii ay ku bilaabmeen Q:1aad (W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

Wax ka ogow nidaamka Dimuquraaddiyada Xisbiyada badan ee Somaliland iyo sidii ay ku bilaabmeen Q:1aad (W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

Sanadkii 2001 Waxay ahayd markii dadwaynaha reer Somaliland afti ku ansixiyeen dastuur dhigaya mabaadida dimoqraadiyadda waxay Somaliland u dhaqdhaqaaqday sidii ay u yagleeli lahayd nidaam dawladeed oo ku sal leh dimoqraadiyad ay hogaanka siyaasadda u hayaan xisbiyo siyaasadeed, Somaliland waxay qaadaty nidaamka xisbiyada badana sanadkii 2001 wakhtigaas oo xisibigi ugu horeyey ee la asasay uu ahaa xisbigi UDUB ee hada ka baxay gabi ahaanba saaxda siyaasada iyadoo ay ku xigeen ururo kale oo ay kamid ahaayeen xisbiga UCID iyo xisbiga hada talada haya ee KULMIYE.

Qormadenan aan u bixinay Wax ka ogow nidaamka Dimuquraaddiyada Xisbiyada badan ee Somaliland iyo sidii ay ku bilaabmeen sidoo kalena aan ku soo qadan doono doorashooyinkii kala duwanaa ee ka soo qabsomay guud ahaan dalkan ku sifoobay xidigta dimuquraadiyada Geesk Afrika, oo in badan bulshada caalamka ahi ay ma jirteen nidaamkii qiimaha lahaa ee ay talada ula kala wareegeen hogaamiyayashii ku tartamayay xilalak kala duwanaa iyo kuwii ay u cusboonyad nidamka hal qof iyo hal cod in qaran lagu hogaamiyo.

December 15, 2002 ayaa markii u horaysay tan iyo 1969 dadwaynaha reer Somaliland waxay u dareereen codbixin golayasha deeganka oo ay ku kala xulanayeen lix urur siyasaadeed oo sida qorshuhu ahaa sadexda ugu codka badani noqon doonaan xisbiyadda siyaasadda ee dalka .Waxa ku soo baxay xisbigii talada dalka hayey wakhtigaa ee Ururka Dimoqraadiyadda Umadda Bahowday (UDUB), Ururka Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID) iyo ururka KULMIYE. Sadexdaas urur oo da’ ahaanna u kala waynaa sida ay u kala horeeyaan waxaay laga bilaabo ku dhawaaqistii natiijada doorashada noqdeen xisbiyada rasmiga ah  ee dalka, bal aynu ku horayno xisbiga Ucid.

Xisbiga UCID oo loo soo gabiyey Ururka Caddaaladda iyo Daryeelka waxaa la aasasy 18/8/2001,  wakhtigaas oo ay aasasen gudoomiyaha imika ,ahna murashaxa xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe iyo koox kale oo isku mabda ahaayen in la sameeyo xisbi qaran oo u dhigma xisbiga markaa jiray talada dalka hayay ee UDUB, oo ahaa xisbigii ugu horeyey ee somaliland laga aasaso kaas oo uu sameyey madaxweynihi wakhtigaa AHUN Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaa soo baxay xildhibano badan oo golayasha deeganka ee dalkakuwaas oo ka kooban saddexdii xisbi qaran ee wakhtigaas oo kala ahaa UDUB,UCID iyo KULMIYE  .

bishi April,2003 waxay ahayd maalintii loo dareeray doorashadii ugu horeysay oo si dimuquradiya loogu tartamo kursiga dalka ugu sareya ee madaxwaynanimada, waxaa xisbiyada UDUB waxaa murashaxa madaxweyne u ahaa Daahir Riyaale Kaahin,UCID waxaa u tartamayay labada musharax ee kala ahaa Eng Faysal Cali Waraabe(Muaharaxa madaxweyne) iyo ku xigeenka AHUN Axmed Cabdi Siciid ugu dambayntii xisbiga KULMIYE waxaaa isna u tartamayay labada musharax ee kala ahaa (Muaharaxa Madaxweyne) Axmed Maxamed Maxamuud(Siilanyo) iyo ku xigeenka oo ahaa Cabdirahxamaan Aw-cali Farax  iyadoo, 14-kii Abril, 2003, iyaga oo shaaca ka qaaday tirooyinka ay kala heleen saddexdii xisbi ee tartamay (UCID, UDUB iyo KULMIYE) una dhignayd natijadii dorashadu sidan, UDUB wadarta dadka codeeyey ka helay 205’595 cod, halka ay guddigu shegeen inuu xisbiga KULMIYE helay 205’515 cod, , sidoo kale xisbiga UCID ayaa helay 77’433 cod, laakiin xisbiga UDUB marka la eego tirada codadka uu helay 42.08% ayey ka noqonaysaa saamiga dadka codeeyey, halka ay xisbiga KULMIYE noqonayso 42.07%, sidoo kale xisbiga UCID waxa noqonaysaa 15.85%.

Waxaad dareemi kartaa in labada xisbi ee Udub iyo Kulmiye ay natijadodu aad isugu dhawayd kuna kala gulaysteen tiro aad u yar oo ah 80 cod….Lasoco

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso