Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta Iyo Waxgaradka Reer DILA oo Hadhimo-sharafeed ku Maamuusay Murashaxiinta KULMIYE 

Dila(ToggaHerer)-Cuqaasha, salaadiinta, waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka degmada Dila ee gobolka Awdal, ayaa hadhimo-sharadeed ku maamuusay murrashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maalmahan hawlo shaqo u joogay gobolka Awdal.
Munaasibadda hadhimada ah oo lagu qabtay duleedka Bari ee magaalada Dila, ayaa waxa murrashaxiinta KULMIYE, ku wehelinayey wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil kale oo xisbiga katirsan.
Murrashaxiinta madaxweynaha iyo ku ku-xigeenka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa hadhimada ka hor shir waqti dheer qaatay la yeeshay waxgaradka, cuqaasha, salaadiinta iyo siyaasiyiinta deegaanka Dila oo uu hormood u yahay wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamed Cabdilaahi Obsiiye, waxana halkaas si qoto dheer loogu faaqiday sidii ay shacabka reer Dila u taageeri lahaayeen murrashaxiinta KULMIYE ugu sharraxan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
Cuqaasha, waxgaradka, salaadiinta, siyaasiyiinta iyo haldoorka degmada Dila ee shirka ka qaybgalay ayaa muujiyey sida ay u taageersan yihiin murrashaxiinta xisbiga KULMIYE ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, waxana ay shaaca ka qaadeen inay codkooda iyo cududoodaba u huri doonaan sidii uu KULMIYE guul uga soo hoyn lahaa doorashooyinka soo socda.
Murrashaxiinta KULMIYE, ayaa dhinacooda warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidha qorsheyaal ay gobollada Somaliland oo dhan guul kaga soo hoyn karaan la wadaagay waxgaradka iyo madax-dhaqameedka reer Dila, iyada oo sida oo kale si hufan u dhegaystay tabashooyinka ay shacabka degmadu qabaan iyo baahiyaha gaarka ah ee ay doonayaan in wax lagala qabto oo ay murrashaxiintu ugu ballan qaadeen inay si degdeg ah wax uga qaban doonaan haddii ay doorashada soo socota ku guulaystaan.
Kulanka ay waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo siyaasiyiinta degmada Dila la yeesheen murrashaxiinta KULMIYE, ayaa guul kusoo dhammaaday, waxana lagu ballamay in la garab galo dedaalka xisbiga KULMIYE ugu jiro inuu mar labaad talada dalka ku guulaysto.

Advertisement

Ku Xayeysiiso