Codbixiye Kastaa Muxuu Muuse Biixi Ka Filan Karaa? Xuseen-Mahdi Xasan

Codbixiye Kastaa Muxuu Muuse Biixi Ka Filan Karaa?

Xuseen-Mahdi Xasan
Akhriste, cid kasta oo rabta masiirkaaga qofeed, qoyseed iyo qaranneed in ay dhabarka u ridato, waxa aad xaq u leedahay in aad iska baandhayso, garasho ahaaan, hawlkarnimo ahaan, ammaano ahaan, taariikh ahaan iyo wax kasta oo aad shakhsiyaddiisa hoggaamineed aad ku darsi karto. Taasi waxa ay sahlaysaa in ammaanadaa aad codka ku bixisay ay gudanto, qof ahaan iyo qaran ahaanna aadan hadhow is-ciilkaambiyin.
Hadda ba iyada oo taasi jirto, dhowr tilmaamood aan ka bixiyo aragtidayda Muuse Biixi Ka hor inta aynaan gelin waxa laga filan karo.
• Aragti (Vision) Muuse waxa uu leeyahay aragti fog, oo qeexaysa halka sahanka lagu furi doono, jidka loo marayo iyo halka laga dhaqaaqayo, taas wadata barnaamid cad ama se qeexan oo halbeegga higsiga lagu gaadhi doono.
• Ku-dhac/geesinimo (Courage), hoggaamiye kasta maaddaama oo looga baahanyahay in uu yeesho ku-dhac uu ugu badheedhi karo jidka adag ama se khataraha leh ee loo mari karo gaadhista guusha, Muuse waxa uu leeyahay taas, oo ah in uu khataraha waajihi karo.
• Daacadnimo (Integrity), Muuse waa hoggaamiye damaciisa siyaasadeed run ka sheegaya, taas oo astaan u noqonaysa himilada wanaagsan ee dadku rabo in la gaadho. hoggaamiye kastaa marka uu yahay mid daacad ah, wax uu ka cabsan karaa ayaa aan jirayn, maaddaama oo wax aad qarinaysaa ayna jirin.
• Toosnaan/humble/( Humility), hoggaamiyuhu marka uu ogyahay wax badan in lagaga wanaagsanyahay, waxa uu noqonayaa nin qirasho leh sida oo kale na ah mid wax qaadan kara, haddii ay tahay talo iyo tusaaleba. Markaa Muuse ma aha qof mucangag ah, balse waa qof dhibirsan oo waxqaadasho leh.
• Karti saadaalineed (Foresight) Muuse waxa uu yahay qof Mustaqbalka saadaalin kara, waxa dhici kara iyo waxa khatar keensan karaba.
• Iskaashi (Cooperation) far kaliyi fool ma dhaqdo, qofna kalidii isma bixiyo, hoggaamiyaha waxa looga baahanyahay in uu kasban karo bulshadiisa, si himalada ku jirta ay u noqon lahayd mid midho-dhal ah. Sidaa awgeed, Muuse waxa uu leeyahay astaamo wanaagsan oo uu dadka wax kaga dhaadhicin karo.
Kol haddii uu tilmaamahaa leeyahay, iyada oo lagu salaynayo barnaamij-sidaasadeedka 7 tiir ka kooban, Muuse Biixi waxa aad ka filan kartaa haddii aad codka siiso bisha foodda inagu soo haysa arrimahan hoos ku qoran:
1. Hay’adaha dowladda oo la awoodeeyey, hadda waxa aad ogtahay qaabdhismeedka wasaarradaha iyo hay’adaha kale ee dowladdu in ayna awood adag lahayn, dhismahooduna la cimri yahay marba wasiirka yimaadda, isaga oo wasiirka yimaaddaa ugu iman barnaamij-siyaasadeed u degsan. Gacan-tukaalayn awoodeed oo uu la kulmo, qabiilka oo saamayn ku yeesha, shaqaalaha iyo bulshada oo dammaanad adag ka heli wayda. Sidaa awgeed, waxa aynnu filan karnaa, waa wasaarrado iskood u taagan, kana awood badan wasiirka loo magacaabo, wasaarrado iyo hay’ado leh sharci adag oo dammaanad adag siinaya qof wal oo qarankan ku dhexnool.
2. Wasiirro lala xisaabtamo, qofku siyaabo kala duwan ayuu xilka u gutaa, mar waa qof xilkas ah, oo dhowraya magaciisa, ka qarankiisa iyo ka bulshadiisaba, mar waa qof dabar hayo oo uga cabsoonaya xilkaa uu hayo, in maalinka aakhiro Alle kula xisaabtamayo, marna waa mid sharci-ciqaabeed qabta u gudanaya shaqadiisa. Mid kasta iyo halka uu taaganyahay marka laga tago, waxa jiraysa wasiir waliba isaga oo og in xisaab adag ka dambayso uu xilkiisa guto. Waxa kale oo filan karnaa wasiir aan xayndaabkiisa shaqo dhaafi Karin in la arko, ku kooban shaqadiisa, u xusulduuban sidii shaqo bulshadu ka raalli noqoto, madaxweynuhuna ku ammaano la yimaad iyo wasiir aan qoys iyo qabiil wasiir u ahayn, se wasiir qaran noqda, waxa kale oo aynnu arki doonnaa wasiirro tartan waxqabad ka dhexjiro.
3. Xoogeynta wasaarradaha waxsoosaarka, hadda waxa aynnu ognahay wasaarradaha waxsoosaarka sida, beeraha, deegaanka, waxbarashada, xannaanada xoolaha, Kalluumaysiga ay ka dhaqaale yaryihiin wasaarrado aan wax soosaar lahayn, tusaale kooban, wasaaradda madaxtooyadu waxa ay ka dhaqaale badantahay wadarta wasaaradaha beeraha, Kalluumaysiga, Deegaanka, Isgaadhsiinta, Xannaanada xoolaha iyo kuwa kale. Sidaa awgeed, maaddaama oo Muuse Biixi ka go’antahay in dalkani waxsoosaar yeesho, shaqo abuur la sameeyo, in la tayeeyo wasaarradaha muhiimka ah, in aynnu heli doonno wasaarradahaas oo awood badan leh, halka maanta lagu cabbiro darajada C, ay soo geli doonnaan kuwo darajadoodu tahay A.
4. Shaqo-abuur, in badan sida aynnu ka aragnay qudbadaha Muuse, waxa la arki doonaa dalka oo dhammaantii ku jira halgan adag, ‘fadhiga ka kac oo wax qabso’, iyada oo dhallinyarta waxbarashada dhammaysatay loo dirayo shaqo qaran, si qof waliba uu qarankiisa wax u gashado, waxa kale oo abuurmi doona barnaamijyadii la odhan jiray iskaa-wax-u-qabso. Taas waxa ay keensandoontaa ku fooganaanta siyaasadda in laga mashquulo, oo wax waliba halka ay ku kala habboonyihiin fadhiistaan, in waddaniyaddu kobocdo, in qabiilka iyo qabyaaladdu daciifaan.
5. Guulwadeyn la’aan, Muuse ninna ugu dhawaan maayo guulwadayn iyo ammaan, isaga oo kaasi dayacay shaqo qaran, waxa kale oo dhici doonta wasiir, wasiir kale uga warrami karaa in uuna jirayn, oo wasiir kasta isagu uu yahay ka buuggiisa haya, shaqo qaran iyo maaliyad qaran oo ku lumaysana aan la arki doonin guulwadayn iyo hebal oo dowladda maagay hebel ha u jawaabo, ama beel heblaayo oo tabasho keentay kuwa kale ha lagu garaaco.
6. Goballada Awdal, Sool iyo Sanaag oo tabashada awood-qaybsi wax weyn laga qabtay, oo sadbursi dambe oo lagu eedeeyo deegaamada dhexe ayna jiri doonin. Se taa waxa ka muhiimsan oo muuqan doonta in saamiga lagu wada qanci doono, maaddaama oo nin jeclaysi iyo reer jeclaysi midna ayna ku salaysnayn, dadkana waxa laga simi karaa ay tahay caddaalad. Waxana jecelnahay insha’allah in aynnu markhaati ka wada noqono dal iyo khayraad loo simanyahay, oo ninjeclaysi, qaraabokiil iyo wax la halmaala meesha ka wada baxaan.
7. Tayeynta iyo xoogaynta ciidamada, iyada oo laga duulayo saddexda qodob ee muhiimka u ah, sida tobabarka, iskadhsiinta iyo qalabaynta, taas waxa ku helaynaa dal amni ahaan u dhisan, oo arrimihiisa guduhu suganyahay.
8. Xidhiidh la yeelashada dalalka gobalka, waxa Muuse oo madaxweyne ah ka filan karnaa xidhiidh lala yeesho dalalka dariska, taas oo Muuse ku keenayo is oggalaanshaha maslaxaddu keentay, tusaale kooban, Itoobbiya waxa ay inagu qabtaa masaaliix aad u waaweyn, taas oo ah mid amni iyo mid dhaqaale, xuduudda intaa leeg ee inaga dhaxaysa Itoobbiya wax kharash amni ahi kagama baxo, waxa kale oo inagu qabtaa dhaqaale aad u ballaadhan oo waxsoosaarkeeda dalka yimaad ka yimid, tusaale kooban, qaadka dhaqaalaha innagaga baxa waxa lagu qiyaasaa lacag ku dhow $430,700,000 sannadkii, (X.Buddhige) taas oo hadda ka badan ama ku dhow misaaniyadda uu dalku ku socdo. Itoobbiya ma leh bad, waxa dhaqaalahaa adag ee innaga baxa ku beddalaynaa waxsoosaarkeena ay ka midka yihiin Kalluunka, milixda iyo isticmaalka degadda. Gorgortan adag oo aynnu la yeelano waxa ay keensan doontaa xitaa qaran ahaan in la isku ixtiraamo.
9. La xisaabtan hay’adaha ajaanibka ah, in badan ayeynu ognahay in lacago tirobeel ahi lagu soo qaato dalkeena, taas oo lagu sheego mucaawinooyin, se waxa hubaal ah in dhaqaalahaasi uu ku baaba’o siminaaro, socdaalo iyo tamashlayn, taas oo xitaa dalkeena ku ah caqabad adag oo dhanka wax soosaarka ah, se waxa filan karnaa in ay noqoto in lala xisaabtamo, wixii liddi ku ah qaranka sida haddaba jirta ee midhihii organic ka ahaa ee dalkeena la dabar gooyo, oo lagu beddalo inorganic, in raashinka mucaawinnada ah la kaydsado, oo xilliyada dalagga dalku soo go’o lagu beego, si loo qiimo dilo waxsoosaarka dalka. Maantana in dhankaa laga wada dumay waa wax aynnu wada dareemi karno.
10. Tabashada dadka oo loo dhagonuglaado, in badan ayeynu arki wixii tababasho iyo dareen ah oo si dhakhso ah looga falceliyo, taana waxa keensanaysa marka Muuse yahay qof nolashiisii bulshada ku soo dhexqaatay, ka fogayn, fahamsan duruufta dhaqan-dhaqaale ee ay ku noolyihiin, isagii yahay deegaan aan dal kale ka iman, aqoon buuxdana u wada leeyahay dhammaan gayiga qarankan xuduuddiisu ku eegtahay, baahida iyo dareenka taaganna cidi uga tarjumayn. Waa dareen iyo aqoon deegaan oo uu dheeryahay raga kale ee maanta la tartamaya, waxa aynnu arki karnaana hadhow in ayna dhici doonin qof uu u dabofadhiisto majarahabaabinta tabashada bulshda, waxa kale oo u saamixi doona maaddaama uu yahay nin saxaafadda aad u la socda, wixii la soo gudbiyana isagu uu yahay qofka haadinaya, masuulka halkaa u xilsaaranna uu ogsoonyahay isba in lagu la xisaabtami doono.

Dal gudihiisu midyahay, oo dad iyo dal is-haysta ah, waa wax aynnu filan karno, iyo waliba beesha caalamka oo waxa aynnu taransannay inagu tixgalisa ayeynu sugnaa.

Xuseen Xasan Xuseen (Xuseen-Mahdi)
Hargeysa, Somaliland
Asalraac@yahoo.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso