Gudaha Ka Eeg :Ururka Samafalka Hayaan Oo Soo Bandhigay Waxqabadkii U Hirgalay Muddadii Ay Jireen, Sidoo Kalena Abaal-Mariyay Dhamaan Cid Kasta Oo Kala Qeyb-Qaadatay Hirgalinta Mashaaricdii Ay Fuliyeen + Sawiro

Ururka Samafalka Ee Hayaan ayaa habeenkii xalay ahaa kulan casho-sharaf ah ku qabtay Hotel Gacale Ee Hargaysa .

Waxaana ka soo qeyb galay madaxda ururada Bulshada, dhalinyaro, aqoonyahan, Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Wakiilka Somaliland Ee Dalka Germany Amb C/fataax Cismaan Cigaal iyo marti-sharaf kale .

Ujeedada kulankan ayaa ahayd mid uu ururku uu ku soo bandhigayay Waxqabadkiisii u hirgalay muddadii uu jiray .

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Samafalka Hayaan Mudane Maxamuud Qori, waxaanu mid-mid u dul istaagay mashaaricdii kala duwanayd ee ururku hirgaliyay, waxaanu sheegay in ay ka qeyb qaateen qaadhaanka Waddooyinka salaxlley iyo Ceerigaabo, sidoo kale ay dhiseen dhawr waadh oo ay ku kordhiyeen cusbitaalka salaxley .

Gudoomiye Maxamuud ayaa ku dheeraaday waxqabado-badan oo ay ka hirgaliyeen dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba .

Gudoomiye Qori aya ugu dambayn carabka ku adkeeyay sida Gudoomiye Faysal Cali Waraabe uu uga qeyb-qaato qaadhannada kala gaddisan oo uu sheega in uu yahay Masuul marka laga yimaddo siyaasadda ku fiican samafalka .

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay Madaxa Hay’adda Nahda Sheekh Khadar Aw Xirsi iyo Agaasimaha Guud Ee Ururuka Haldoor Deeq Cismaan, waxaanay si isku mid ah u bogaadiyeen dhalinyarada ururka Hayaan, waxaanay sheegeen in ururka hayaan muddadii koobnayd ee  ay jireen, ay hirgaliyeen waxqabad miisaan leh oo la taaban-karo  .

Sidoo kale waxay Gudoomiye Faysal Cali waraabe ku tilmaameen shakhsi ku fiican samafalka oo mashaarico-badan ka qeyb qaatay .

Ugu Dambayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay in Ururka Hayaan uu muddadii uu jiray uu muujiyay dadaal-badan, waxqabad bandanna ay hirgaliyeen .

Sidoo kale Gudoomiye Faysal ayaa ku amaanay ururka Hayaan sida ay isugu duubanyihiin ee ay u wada shaqeeyaan, isagoo ku dardaaray in ay halkaas ka sii wadaan dadaalka .

Ugu dambayn Ururka Hayaan ayaa Shahaado-sharafyo Gudoonsiiyay dhamaan dadkii kala qeyb-galay mashaaricaha mugga leh ee ay hirgaliyeen , iyadoo  Shabakadda Togaherer.com, ay ka mid ahayd dadkii xalay lagu maamuusay shahaado-sharafta .

 

 

Hoos Ka Daawo Khudbadii Gudoomiyaha Ururka Hayaan .

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso