Doorkan yaynu doorana oo dawadeena heli kara Q 2aad:

 

Doorkan yaynu doorana oo dawadeena heli kara Q 2aad: Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

 

 

 

 

Maadaama oo dalku doorasho diyaar u yahay si loo soo doorto musharaxi hogaamin laha shanta sano ee soo socda waxa aynu eegi doona maanta musharaxa aynu calanka u dhiibno ee dalka horumarin kara. Musharaxiinta ugu tunka wayn, anigu waxa aan shakhsiyadooda si toosa u bartay markii aanu wada dhigan jirnay maxadka nabada iyo xalinta khilaafaadka ee Jaamacada Hargeisa, xiligaas oo aanu mudo sanad iyo dheeraada galaas wada dhigan jirnay, inta badan waxa aan kursi la fadhiisan jiray Jidhif iyo Muse Biixi oo ay waaga saaxiib xooga ahaayeen hadda siyaasada ayaa  kala fogaysaye. Jidhif waxa aan aad u xasuusta marka uu nooga sheekeeyo ciidanka iyo qiimahiisa sida ay isugu xidhan yihiin iyo walaalnimada naf hurnimadu  kow ka tahay, waxa aan caashaqi jiray sheekeeyo ciidanka iyo sharaftiisa aniga oo haabka galin jiray ku biiristiisa. Waxa nuse saacaha fasalka naga damaanad qaaday Abdirahman Cirro iyo Cabdicasiis Samaale oo xiliga gudoonka Parliamentka isku xigay, waxa ay maalin walba noo keeni jireen keeg wayn iyo dhowr falaas oo shaaha sanadku waa 2008-2009, anigu waxa aan ka mid ahaa raggii shaaha cabi jiray in kasta oo dhalinyarta qaar dibada tagi jireen si aan sheekada odayaasha waayo araga ah wax uga bogto.

Abdirahman Cirro waxa uu aha nin madaxa oo afgaaban oo aad iyo aad u degan, waxa kaftan lagu soo qaadi jiray faraqa u dhexeeya Cirro iyo Cabdicasiis Samaale xiligi buuqa ugu badnaa iyo muranku u dhexeeyay UDUB iyo Kulmiye oo xukunka isku haystay, waxa aad loola yaabana sida aanu Gudoomiye Cirro isu dhibin marka goolaha buuq ka dhaco ee u dubaha yar uun miiska ugu garaaco isaga oo degan, halka Samaale wajigiisu aad isu badalo xanaaqna cirka maro. Marka Cirro waa nin degan ilaa xad oo isaga oo cadhaysan aan laga dareemayn.

Markii aanu dhiganaynay kooraski hubka dhigista iyo dib u dejinta oo macalin aan xirfad badnayn noo dhigay, Muse waxa uu si fiican noogu buuxiyay waayo aragnimo badan u laha hubka dhigisti Somaliland, waxa aan aad u jecla marka u ka sheekeeyo hub ka dhigisti iyo dhibti loo soo maray isaga oo soo qaadan jiray doorki Warancade ee hubka dhigisti iyo nabadaynti, waxa uu aha qof aad u faham badan oo lafa gura waxa laga hadlayo, waxa dhacday in mar la noo wada diray mawduuc  aanu ka soo wada shaqeenaynay, Maansoor ayaanu ku balanay aniga iyo maamulaha SOMGAS Abdikarim , Ahmed Abdilahi AET iyo wiilal kale, marki aanu mawduuci la noo diray rogrognay ayaan fikirka ku kala duwanaanay, markasu isaga oo kaftamaya igu yidhi xiliyada qaar sida ilamaad hadasheen, ana waxa aan waydiiyay goorta uu ogaaday in aan la murmi karo. Waxa uu nooga sheekeeyay isaga oo ka jawaabaya su’aashi in isaga oo ciidan yar oo sahana wata meel Geedbalaadh agteeda ah,  ciidanki uu watay ku yidhi xero ayaynu afka ka galina, waxa ka mid aha Mujaahid Labo-aas iyo Ku-kaadje raga aan ka xasuusto ee uu nooga sheekeeyay, waxa uu yidhi waxa aan ahaa wiil yar oo Maraykan tabobarki marka ka soo noqday oo food dheer iyo kabo dhaadheer xidhan, may dhagaysan taladaydii ee way iska socdeen ilaa aan xeradii afka uga gali gaadhnay, marki ay xeradii arkeen ayay orod is dhigeen oo ay  iga dheereeyeen, marki ay fogaadeen ayay is yidhaahdeen waar yaadaheen saw la ina waydiin maayo hogaamiyaheeni, aynu dib ugu noqono, sidii bay dib iigu soo noqdeen oo aanu isu soo raacnay. Waxa kalu  ku daray in marki dalka ay qabsadeen in iyagii dalka xoraystay iyo nimanki maano feestada la odhan jiray ee xamar iska fadhiyay ay isku maamuus noqdeen, maxa yeelay nin waliba waxa uu dabada galiyay reerkoodi, bal eeg Itoobiya nimanki dalka qabsaday ayaa ilaa maanta maamula oo aan cidi ka daba hadal, anaguna maanta waxa aanu dib u soo galnay in aanu doorasho baryo ah aanu leenahay hala qabto. Waxa ay noqotay jawaab aan wax badan aan ku fahmay oo aad ii qancisay, siddii baanu casharkii lanoo diray ku diyaarinay.

Muuse Biixi waa mujaahid dalkan u soo dagaalamay, duurkana u soo galay, Muuse marki dagaaladu dhaceen gabadhi u mehersanayd waxa ay qabatay qurbaha. Marki ay timid isaga oo duurka ku jira, waxa ay codsatay in u Addis Ababa ugu yimaado si ay ugu aqal galaan , mudana la soo joogo, si cad bu u diiday Mujaahidku in uu ugu tago Addis isaga oo yidhi halkan iigu kaalay aan ku noolahay oo furinta ah ama deegaanada xuduudka Soomaaliya iyo Ethiopia ku dherarsan,  way diiday xaaski Muuse ee dibada ka timid in ay duurka ugu tagto laakiin marki uu ku adkaystay imaatinkeeda waxa ay ugu timid duurki oo aroos loogu dhigay. Halki bay mudo la deganayd, marki asxaabtiisu ku yidhaahdeen waar bal waran Muse, waxa uu ku yidhi, gabadhi waxa ay ileedahay waxba icunay ana dhowrka maalmoodbaan hurdaba seexday.

Anigu sanadka maanta ah waxa ay ila tahay in Muuse Biixi uu xiligan ku haboon yahay in uu dalka Soomaaliland Shookaanta u qabto sababo badan aawadeed, waxa aan saadaalinaya in Cirro kaga danbeen doono madaxnimada dalka Muuse. Musharaha Kulmiye waa nin askariya oo hal adag,  Muuse iyo aniga qoyskayga hoose ee aan ka soo jeedo aad isku may fiicnayn xiliyo hore, waxa aan arka  marmar qof qof qaraabadayda ah oo Muuse aan jeclayn, waxa aan is idha Muse xiniinyaha uun bay dad badan isku jiidheen, ileen waxa aynu ognahay in qofka hami sare le ay dad badani wadada ku cidhiidhiyaan iyaga oo meel ay u socdaani jirinba. Waxa aan xasuusta maalin la isu keenay Sultankayga iyo Muuse oo marka aad isugu kacsanaa anigu waxa aan u sheegay kulanki in aan Muuse ku taageero dagaalki aan loo kala hadhin ee dawladu ay barigaa ku qaaday si meesha loo keeno mid jilicsan oo layska wadwadan karo. Muuse waa nin aan qofna malayn karin, oo aan saamayn cid gaari  ku lahayn oo talada dhexda u gasha  lagu xaman, talo dabadeed waxa u raaca ta ay isaga la tahay oo ah astaanta ugu muhiimsan ee hogaamiye dal looga baahan yahay, waa nin aan dalka ka dhoofin oo dhaqanka dadka iyo reerahaba si fiican u garanaya. Mu doonan Baasaboor xili xaaskiisu Ingiriiska sharci ku lahayd, tani waxa ay ina tusisaa in uu dal jacayl ku jiro. Musharaxu waa nin cibaado badan oo jimicsada oo aan ahayn nin hurdada wakhtiga ku lumiya oo ah astaan kale oo hogaamiye qaran looga baahan yahay, madaxwaynaha Butin ee ruushka waxa ay dumarka iyo dad badani ku jecel yihiin in jidhkiisu dhisan yahay uguna codeeyaan.

Hogaamiyaha iyo dadwaynahu inta badan isku fikir ma ha, hogaamiyahu waxa uu arka meel fog oo aan dadku arkayn, haddii ay isku fikir noqdaana aad uma kala horeeyaan, tani waa ta dabartay madaxda inoo talisa oo isku daya in ay dadka maaweeliyaan xaqiiqdana aan wajihin oo reerka ay la kulmaanba amaana. Ugu danbayn maanta Soomaaliya waxa qabsaday Farmaajo oo ah nin dhiiran oo u hanqal taagaya in uu Soomaaliland xukunkiisa Muqdisho hoos keeno, tani waa sabab kale oo aynu ugu baahanay in aynu doorano hoogaamiye firfircoon oo la dhigi kara dabinada xamar laga soo maleegayo oo ciidankana dhisa, tani waxa ay siinisa musharaxa Kumiye fursad cusub oo lagu taageero. Muuse in la amaano ma jecla cidna uma guul wadeeyo marka waa hogaamiyaha maanta si dhaba calanka u qaadi kara marka lagu daro taariikhda wacan ee askarta wax hogaamisa ay ku leeyihiin wadama dhibta ka soo doogay  horumarna gaadhsiiyay sida aasaasihi Singabore Lee oo ah dal aynu isku astaamo nahay dhinacyo badan.

Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

Bare Sare iyo Cilmi Baadhe

hhmadaxyare@hotmail.com

+ 252 (0)634418302

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso