Gudaha Ka Eeg :  Xisbiyada Kurdida oo Xaqiijiyey In  aftida  la qaban doonaa berrito Guud ahaan Kurdistan oo ay ku jirto Kerkuk

 

Xisbiga Dimuqraadiga Kurdistan (KDP) , Ururka Midawga Kurdistan (PUK) iyo Ururka Isbahaysiga Islaamiga (KDP) ayaa  sheegay in aftidii madaxbannaanida ka dhici doonto dhamaan Dhulka Kurdiga  oo ay ku jirto Kirkuk Maalinta Isniinta ah ee Bari.

Saddexda xisbi ayaa kulan ay yeesheen Maanta oo Axad ah gudoominayayna Madaxweynaha Kurdistan  Massoud Barzani goobjoogna ay ka ahaayeen saraakiish Gobolka Kirkuk isku raacay Go`aankan.

Kulankan ayaa lagu go’aamiyay in la qabto aftida madax-bannaanida Isniintii, 25-kii Sebtembar gobolka oo dhan oo ay ka mid tahay gobolka Kirkuk, war-murtiyeedkii shirka ayaa dib loo dhigey illaa dhammaadka guddiga gudaha PUK ee Kirkuk.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso