Xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI keebaa ku Sifoobay Qabyaalad Af-xumo nabadna way kaa fogeysaa, colaadna wax kama taro Qore: Yuusuf Maxamed

Beryahan dembe waxay la mid yihiin madaxda sare ee Xisbiga Waddani sida Awr talax-gabay oo la kici kari waayey rarkii la saaray, dabadeedna  miciin ka dhigtay  cabaad iyo inuu qadhqadhleeyo tamar-darro awgeed iyo weliba inuu gees walba calyada u seydhiyo, waxaana sidaa ka dhigan maanta Madaxda Xisbiga Waddani iyo Musharraxooda Cabdiraxmaan Cirro oo meel kasta oo fagaare siyaasadeeda la soo taagan cayda iyo aflagaadeynta Xisbiga Kulmiye iyo Musharraxooda Muuse Biixi Cabdi,  halkii laga sugayey inay masraxa la yimaadaan qorshayaasha siyaasadeed ee ay doonayaan inay ku hantaan talada hoggaaminta dalka, laakiin sida Awrka aan soo tilmaamay oo kale la soo joogsadaan goob kasta cabaad iyo cayntan.

Xisbiga Waddani markuu ku haftay taageeradii ay siiyeen shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland barnaamij-siyaasadeedka uu usoo bandhigay shacbiga Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa ay miciinsadeen oo hawl u noqotay mas’uuliyiinta Sare ee Xisbiga Waddani maalin kasta oo ay meel ka hadlayaan si badheedha afka ula dhacaan oo caayaan Madaxda Xisbiga Kulmiye iyo Musharraxooda, isla markaana bulshada ku dhex   tuuraan weedho farriimo naxli mooyee wax kale xambaarsaneyn. Waxa la yidhi, [DHERIGA KARKA WAXA KA KEENA KULEYLKA], waa run oo Musharraxa iyo madaxda Xisbiga Waddani-ba waxa kuleylka iyo miyir la’aanta ay la soo baxeen ugu wacan iyagoo u adkeysan waayey guushii la yaabka lahayd ee Xisbiga Kulmiye iyo musharraxoodu kasoo hooyeen socdaalladii ay ku soo mareen Gobollada Bari iyo Galbeedka Hargeysa.

Taageeradii shacbi ee Xisbiga Kulmiye ee darifyada degaannada Bari iyo Galbeed, ayaa marka la eego ifafaalayaasha ka muuqda madaxda Xisbiga Waddani iyo musharraxoodu inay haatan quus ka joogaan dhinaca loollanka siyaasadda, isla markaana isku diyaariyeen sidii ay qori dable isugu dhiibi lahaayeen shacbiga JSL, iyagoo haatanba bilaabay in weerar ku qaadaan xarumaha Gobollada ee Xisbiga Kulmiye, iyagoo u adeegsanaya kuwa wax ma garato. Geesta kale waxay ku hawlan yihiin madaxda sare ee Xisbiga Wadddani inay mindiyo isugu dhiibeen dhallinyarada iyagoo iskaga horkeenaya waxyaabo xambaarsan qabyaalad qaawan, kaaga sii darrane haddana markaaba intay soo fadhiistaan shaashadaha Telefishanka ayey ku eedeeyaan in waxaas oo dhan uu Xisbiga Kulmiye ka dembeeyey, iyagoo ku tilmaamaya inuu yahay Xisbi  cod ku raba Qabyaalad.

Waxa markhaati ma doon ah oo loo wada joogay in Xisbiga Waddani uu yahay ka kaliya ee hal qabiil oo kaliya isugu yeedheen shirweyne lagu kala saaro laba musharrax oo iyana isla qabiilkaas uun ah, kaas oo ay ku qabsadeen magaalada Ceerigaabo, gaar ahaana buurta Daalo. Labadaa Musharrax waxa ay kala ahaayeen Dr. Gabboose iyo Cabdiraxmaan Cirro, waxaana shirkaa isugu oo kala saarayyey hal qabiil oo ka mida qabaa’ilka reer Somaliland. Markay sidaa tahay Xisbigaasi ma noqon karaa mid u dhexeyn kara shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland? Jawaabtu way iska cad oo waa maya. Xisbiga Kulmiye ee uu mar walba ku nabayaan Xisbiga Waddani, waa kii aan ogeyn wixii kala gaadhay raggii isugu yimi shirweynihiisa oo ka koobnaa dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. ……………….    La  soco…………………………..

 

Qore: Yuusuf Maxamed

Email: cadduur11@gmail.com

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso